“Waxaan U Arkaa In Dantu Ku Jirto Somaliland Inay Isku Timaado, Khaatumo Iyo Cali Khaliif Haddii Ay Aqbaleen Waan U Mahad-naqayaa” Cali Sandule

Hargeysa  (SL.Post) Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Cali Axmed Maxamuud (Cali Sandule), ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay soo dhaweynayso wadahadalada u bilaabmaya Khaatumo iyo Somaliland.

 

 

 

 

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inuu Prof: Cali Khaliif Galaydh ku bogaadinayo aqbalida wadahadalada ay la yeelanayaan Xukuumadda Somaliland.

 

 

“Waxaan u arkaa in dantu ku jirto Somaliland inay isku wada timaado, markaa ayay wax noqonaysaa oo walaaltinimadoodu buuxsamaysaa  oo intay cidi inga maqan tahay waa wax inaga wada maqan, waa meel inaga banaan . Markaa in aynu wada gufayno oo la isku yimaado oo wax la wada qaybsado.” ayuu yidhi Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland oo u waramay BULSHO TV

 

 

 

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi  “Haddaynu saami ka cabanayno iyo haddaynu ka cabanayno isku duubnideena intaba  markaas ayay taabagalaysaa, markaa aad baan u soo dhaweynayaa . Waad ogtihiin mawqifka ay Xukuumaddu ka qaadato mar walba dib u heshiisiin iyo in la isku yimaado, wakhti badan baa lagu dhawaaqay oo gogosha nabadeed taalay .” ayuu yidhi  Wasiirku

 

 

 

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland, waxa uu intaas ku daray  “Haddii  qolooyinka Khaatimo ama Cali Khaaliif iyo maamulkiisu ay aqbaleen ayaad baan ugu mahadnaqayaa, dawladduna wey ogolaatay oo waad maqalayseen in dawladdu heshiiskaas ogolaatay oo hordhiciisiina wuu bilaabmay, mucdiisiina haddaa la geli doonaa . Markaad waan soo dhaweynayaa iyagana (Khaatumo) waan uga mahad-celinayaa imaatinkooda.”

 

 

 

 

Halkan ka daawo.

 

 

Somalilandpost. Hargeysa