“Waxaan leeyahay mucaaradka doonaya inay mudaharaad dhigaan lama dhigi karo”

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ka digay qabsoomida mudaharaad uu ku baaqay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.warancade-200x200

Wasiirka oo maanta kula hadlay warbaahinta xafiiskiisa ayaa sheegay inaanay xukuumad ahaan marnaba aanay ogolaanayn mudaharaad, waxaanu yidhi. “Anigoo tixraacaya xeerarka ii baneeyay inaan wax walba ka horeysiiyo nabad-gelyo waxaan leeyahay maanta waa la diiday, lamana dhigi karo anagoo ka eegayna dhinaca nabadgelyada gudaheena iyo dhibaatooyinka hareeraha ka socda oo dhibaatada mudaharaadka ka yimaadaa ay keeni karaan falal hareereheena ka socda oo aanan doonayn inaan imika halkan ka magacaabo inay sabab u noqoto.”

“Waxaan leeyahay mucaaradka doonaya inay barri mudaharaad dhigaan,waxa idiin banaan telefishanada ee ka hadla, haddaad doonaysaan caytama ka gar sheegta, laakiin wax dalkan qaribi kara ma ogolin inay dhacaan, waxaanan leeyahay dalkeena iyo dadkeena u tudha.”

Somalilandpos.net