Waxaan Ku Soo Arkay Deegaanka JALEELO — Warbixin, Weriye Mustafe-Jannaale

Waan ka yaabay baaxada iyo nidaamka ay u shaqeynaysay, oo maan filanayn inay dalka ku taalo Wershad baaxada leeg,waxay ahayd Wershad caalamiya oo sida adduunka u shaqeynaysay marka la eego shaqaalaha ka hawlgalyey iyo wax soo saarka-ba.kadib markii aan booqasho ku tagay 9/3/2012 Wershada Coca-cola-ha Somaliland Beverage Industry (SBI), taas oo guud ahaan-ba aan soo indha-indheeyey qeybaha kala duduwan ee ay ka kooban tahay shirkadu,haday tahay qeybaha hurdada, qeybta wax soo saarka, wakhtigaas aan booqday wershada Coca-cola waxay waday wax soo saarkeeda.

Wershada Coca-cola-ha ee Somaliland Bavarage Insdustry (SBI) waa Wershad waddaniya soo saarta noocyada kala duwan ee sharaabta sida Coca-colaha,Sprite-ka,Fanta Orage,Fanta Strawberry,iyada oo shsraabkani lacag badani ku baxdo maadama ay Somaliland uga yimaadaan waddamada dibada.

Waxaanu ganacsadaha Waddaniga ahi ee iska leh Wershada Coca-cola ee (SBI) waxa uu ugu tallogalay inay daboosho baahida sharaab ee dalka Somaliland iyo inta ay ka gaadho waddmada jaarka. Si ay u baaqsato ama looga maarmo lacagta badan ee dalka dibada uga baxda.iyada oo uu hamigiisu yahay ganacsadahaa aynu kor ku soo sheegnay inuu kor u qaado ama uu ka qeybqaato dib u dhiska iyo horumarinta dalkiisa hooyo iyo si ay ugu soo dhiiradaan maalgashiga dalka muwaadiniinta ganacsatada ah iyo kuwa shisheeyaha ahba, si uu tusaale ugu noqdo ama uu ugu dhiirigeliyo cidkasta oo doonaysa inay maalgashato dalka.

Wershadan oo laga yagleelay deegaanka Jaleelo ee Waqooyi bari ee Magaalada Hargeysa una jirta masaafo ahaan 35KM, waa Wershad casri ah oo aan nooceedu hore u imanin dalka, lana mid ah kuwa ay isticmaalaan waddamada hore uga marey Wershadaha, waxaana ku baxay sida uu sheegay Maareeyaha Shirkadda sharaabka ee SBI Mustafe Cusmaan Geelle inay ku baxday lacag qadarkeedu gaadhayo 17-Million oo Dollar.

Wershadan oo sharaabka ay soo saarta ay tayadiisu aad u sareyso, lana mid tahay kuwa ay soo saaraan waddamada horumaray, Waxaanay kor u soo qaaday sumcada Somaliland ganacsi ahaan iyo dal ahaanba,waxaanay soo jeedisay indhaha waddamo baddan oo ganacsigoodu aad u sareeyo lagana yaabo haddii ay ganacsatada Somaliland qaadaan talaabooyinka kuwo la mida waxay wax k bedeli doonta waddanka dhaqaale ahaan iyo shaqo ahaan-ba,taas oo ay ku xasili doonaan dhalinyaro baddan oo hamigoodu ku jiro inay tagaan waddamada dibada.

Sidaa daradeed waxa looga baahan yahay dadweynaha reer Somaliland inay fiiro gaara u yeeshaan muwaadiniinta u huray dalka inay hantidooda ku maalgeliyaan si looga baxo baahida dhaqaale ee ka taagan dalka, oo aanay uga exanin kuwo shisheeye oo aan gargaar iyo gacan toona siin Karin marka ay yimaadaan xaalado dabiiciyi, waxaana ku waajiba inuu qoftaska oo reer Somaliland ahi inuu isticmaalo sharaabka Waddaniga si uu kalsooni ugu helo ganacsadaha muwaadinka ahi inuu talaabadaa iyo mid ka sii fiicanba uu hore u qaado

Mustafe-Jannaale

Hargeysa/Somaliland

Email: janaale94@gmail.com