“Waxaan ka shalaynayaa Khaladkii iigu weynaa ee aan galo oo ah inaan u ololeeyo Kursiga uu maanta Siilaanyo Ku fadhiyo” – Dr Gabose

Hargeysa, 17 April, 2012 (SLpost)- Guddoomiyaha urur-siyaasadeed UMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gabboose ayaa markii ugu horreysay shaaciyey in khaladkii ugu weynaa abid intii uu siyaasadda ku jiray ahaa u-ololeyntii iyo doorashadii Madaxweyne Siilaanyo isla markaana si kulul u cambaareeyey dhacdadii shalay xil-lagaga xayuubiyey guddoomiye ku-xigeenkii 2aad ee Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

Dr. Gabboose waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay inuu Somaliland danbi weyn ka galay maadaama uu u ololeeyey Kursiga uu maanta madaxweyne Siilaanyo ku fadhiyo, isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Haddii aan ummadda Somaliland maanta odhan lahaa khaladka ugu weyn ee aad noloshaada aad gashay ee aad kaliga marka tahay aad dib uga shalaydo waxa weeye khaladka iigu weyn Siilaanyo maanta kursiga uu ku fadhiyo in aan u ololeeyey maxaa dhacay? Dalkii Somaliland ayaan waxaan u arkaa in aan dunuub wayn ka galay oo Siilaanyo imishadiisa meesha oo waxaan u arka jidka ay arrimuhu u socdaan dalkii oo meel xun ku socdaa.”

Guddoomiyaha ururka UMADDA waxa kale uu ka hadlay hangankii dheeraa ee Cabdiraxmaan Cabdiqaadir u soo galay xisbiga Kulmiye, isla markaana falkii lagula kacay yahay mid umadda reer Somaliland og tahay inuu ahaa mid cadaaladda ka fog, waxyeello weyn-na u geystay dimuqraadiyadda Somaliland ku faanto, isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi,  “Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa u dheer halgankii oo isaga oo jaamaciya oo arday ah ayaa ilaa maanta aanu dalka meela uga bixin oo uu halgankii kaga qaybqaatay oo waxa intaa u dheer xisbigani waa xisbigii qaran xisbi cidi leedahay maaha. Xisbigan wuxuu ku bixiyey maalkiisii waqtigiisii naftiisii wuxuu u huray ilaa dhaawacii weyna ee qof bani’aadam ah ku dhaca ee laf-dhabarka ah uu ka jabo isaga oo madaxweyne Siilaanyo u ordayaa si uu si marxabo leh ugu soo dhaweeyn lahaa.”

Waxa uu guddoomiyuhu hadalkiisa intaas ku daray, “Marka waxaan la qaba bulsho weynta reer Somaliland in ficilkii halka ka dhacay ahaa ficil waxashnimo ah in dhaawacay himiladdii socodkii taariikhdii nololeedii dimuquraadiyadda iyo dhaqankii subaanaa ee ay Somaliland ku soo caano-maashay muddo dheer.”

Mar uu guddoomiyuhu ka hadlayay haddii qof xisbiga ka tirsani dambi galo in la anshax marin karo balse dariiqii loo maray xil-ka-xayuubintiisa ay ahayd mid sharci darro ah, waxa uu yidhi,  “Marxabadii soo dhaweynta ahayd waxay dhashay inuu madaxweynuhu yidhaahdo haddii uu shirka dhex fadhiyo imin mayo, waxaaso dhan waxa ka weyn muwaadin kasta oo xisbi ka mid ahi danbi ayuu gali karaa anshax waa la marin karaa. Laakiin xeerka KULMIYE iyo ururkasta-ba waxa ku qoran in guddi anshax la horgeeyo. Anigu UMMAD ahaan waxa kaliye ee aan ognahay waxa weeyi inuu dhaliilay maamulku sidu wax u waddo inuu musuqmaasuqa socda waxa ka sheegay, sidaana ummadu waxay u arkaysay inuu u hiilinayey Madaxweynaha inuu hiilinayey xisbigiisa.Laakiin waxa meesha ka soo baxday nidaam cusub oo kaligii-talisnimo oo xoog iyo cabudhin ah oo ah haddii wax layga sheego oo haddii aan sidan wax u karo aan lay arag xabsiga ayaa la galayaa, waad arkaysaan bilihii u dambeeyey inta qof la taxaabay oo si fudud xabsiga loo wadda galinayo oo ilaa iyo hadda kuwadda jiraa iyagoo sharaftii iyo qarannimaddii iyo dadnimadii midna la eegin.

Dr. Gabboose waxa uu madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay inuu qaadan waayo tallaabooyin uu siddeed sanno ku kici jiray intii uu mucaaradka ahaa, haddii uu madaxweyne noqdayna uu markiisa u adkaysan waayo in maamulkiisa dhaliilo loo jeediyo, “Waxaa nasiib-darro ah Siilaanayo siddeed sannadood ayuu dhaliilayey maamul jiraa oo waxbaa sidaasa, isagiina daqiiqad qudha oo dhaliil ah wuu gubanayaa oo xadhig  iyo inuu bahdil dadkii ayuu kula kacayaa. Isla markaa waxaan u arka in xisbiga KULMIYE isagu si dhaawacay inuu isagu is bahdilay isagaa karaamaddii iska qaaday isagaana saxadda siyaasadda kaga baxayaa ficilka uu kula kacay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir,” ayuu yidhi Dr. Gabboose oo u warrameyey telefishanka Caalamiga ah ee HCTV.

SLpost News/Hargeysa