’Waxaan ka Baqayaa Hadduu Jiitamo Tartanka Kulmiye ee Murashaxnimadu inay Dib u Dhigi Karto inay Doorasho Dhacdo’’ Guddoomiyaha UCID

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa ka khadlay, khilaafka xisbul xaakimka KULMIYE, waxaanu sheegay haddii khilaafka KULMIYE, uu sii daba dheeraado ay suurtogal noqon karto in doorashooyinku dib u dhac ku yimaado, sidoo kale Gudoomoye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xisbiga kulmiye khilaafkiisa uu si xun u maamulay oo ay ka dhigeen arrin qaran. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo ku sugan caasimada dalka Kenya, ee Nairobi oo u warramayay laanta afka soomaaliga ee idaacadda BBC’da

”Horta waxa weeye, imika arrintaasi aad iyo aad bay dadka werwer u galisay, waxay tusisay calaamado dhistalabalaasayshan ah, anagoo kasoo baxnay murankii doorashooyinka kordhintooda haddana aanu haamihii galnay, haddana uu murankani dhashay, dadka waxay tusinaysaa Picture(sawir)xun, hase ahaatee waan ka raariday, arrintani waa arrin internal ah waa arrin xisbi, inkastoo xisbigu si xun u maamulay oo ay ka dhigeen arrin qaran oo olole ay galeen, oo loo baahnayn inay olole galaan gole dhexe oo 400 qof ah oo fadhiisanaya in la isku campaingn-gareeyo oo sidii uu shacbigu vote bixinayo loo abaabulo, waxa weeye daciifnimada siyaada politicianska Somaliland..’’ ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Faysal, oo ka hadlaya suurtagalnimada uu khilaafka KULMIYE doorashada dib u dhac ugu yeelan karo ayaa sababeeyay

‘’waxaan ka baqayaa oo aan anna ka baqayaa hadday jiitanto tartanka Kulmiye ee murashaxnimadu inay dib u dhigi karto hawlaha noo yaalla inay doorasho dhacdo’’ ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay khilaafka KULMIYE.