“Waxaan isleeyahay dalkaad taqaan oo macalin baaban ka ahaan jiray” Wasiir Maxamed Biixi oo la Soo Dhaweeyay Hankiisana Markale Ka Hadlay

 

 

Hargeysa(SLpost) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa. Soo dhaweyntiisa oo aan ahayd mid lagu soo dhawaynayo wasiirnimada iyo xilka uu qaranka u hayo ayaa u muuqata mid dhoolatus u ah taageero lala barbar taagan yahay sidii uu musharax uga noqon lahaa xisbiga Kulmiye.

 

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaanka guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, Sheekh Aadan Siiro, wasiiro, xildhibaano, masuuliyiin kale  iyo boqolaal dadweyne ah ayaa qayb ka ahaa soo dhaweynta wasiirka loogu sameeyay madaarka Hargeysa oo ay barbar socotay munaasibad loogu qabtay Hotel Crown.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa hadal uu bulshada soo dhaweysay u jeediyay ku sheegay inuu yahay musharax Kulmiye ka dhex ordaya, isagoo sheegay inuu isbidayo aqoon uu dalka u leeyahay iyo cilmi uu aduunyada u leeyahay. Waxa uu sheegay inuu halkaas ka sii ambaqaadi karo halka xukumadda Siilaanyo dalka marinayso.

 

“Sidaad ula socotaan waxaan ahay Musharax, ka dhex ordaya xisbiga Kulmiye, Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu igu guuleeyo.  Waxaan isleeyahay wadanka waxaad ku soo kordhinaysaa Aqoon, cilmi, aragti iyo waayo aragnimo balaadhan, iyo anigoo maanta aqoon weyn u leh wadanka iyo caalamkaba. Waxaan isleeyahay dalkaad taqaan oo macalin baaban ka ahaan jiray,” ayuu yidhi wasiirku.

 

Wasiirka oo sii hadlaya waxa uu sheegay in dadka u haysta inuu qurbejoog uun yahay uu hore u ahaan jiray macalin aqoon badan dalka u leh, wuxuuna sheegay inuu macalin ka soo noqday magaalooyinka Bullaxaar, Sallaxley, Baligubadle, Sheekh, Berbera iyo Burco” Wadanka aad baan u aqaan. Waxaan isleeyahay wadanka waad dhaqaajin kartaa oo heer aqoon iyo cilmi qalin ku dhisan ayaad gaadhsiin kartaa,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, ayaa socdaal ku dhexmaray dadka madaarka ku soo dhaweeyay, sidoo kalena waxaa magaalada Hargeysa laga dareemay soo dhaweyntiisa kadib markii jidadka ay mareen gaadiid tiro badan oo dadweyne badan la saaray islamarkaana calanka Kulmiye la lulayay.