“Waxaan idin kula dardaarmayaa in aad gacan weyn ka geysataan sidii dalkan ay uga qabsoomi lahayd doorasho xor iyo xalaal ahi” – Md Siilaanyo oo kulan la qaatay Ururrada Bulshada Rayidka ah

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta kulan la qaatay Ururrada Bulshada Rayidka ah oo Madaxweynaha u gudbiyey warbixin ku aaddan hawl-qabadka ay bulshada iyo dalkaba u qabtaan, waxaanu Md Siilaanyo ku bogaadiyey doorka ay kaga jiraan ilaalinta danaha guud iyo u-adeegidda Bulshda.

War-qoraal kooban oo madaxtooyadu ka soo saartay oo xambaarsanaa hadal kooban oo Md Siilaanyo u jeediyey, waxa uu madaxweynuhu ku boorriyey inay  gacan ka geystaan sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho Xor iyo Xalaal ah.

099A3803“Aad baan ugu faraxsanahay kulankan saaka aad igu timaadeen. Waxaan idiinka mahadnaqayaa war-bixinta iyo talada balaadhan ee aad ii soo jeediseen. Waxaan idiinku hambalyeynayaa dedaalka weyn iyo doorka aad ka qaadataan ilaalinta danaha guud iyo u adeegidda ummadda.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaan aamisanahay, in bulshada rayidka ahi ay kaga jirto kaalin muq leh geedi-socodka dimuqraadiyadda, adkaynta nabadgelyada, wacyigelinta bulshada iyo baadi-goobka aqoonsiga Somaliland. Waxaan soo dhaweynayaa, talooyinka iyo tilmaamaha aad ii soo jeediseen,” sidaas ayuu yidhi Md Siilaanyo.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu yidhi, “Ugu dambayn, waxaan idin kula dardaarmayaa in aad dedaalka laban laabtaan, isla markaana aad gacan weyn ka geysataan sidii dalkan ay uga qabsoomi lahayd doorasho xor iyo xalaal ahi.”

Markii kulankaasi soo afmeerayna waxa saxaafadda la hadlay xubno ka mida ururada bulshada iyo afhayeenka madaxtooyada JSL.