“Waxaan idiin Caddaynaya in aan Wasiirka Arrimaha Dibeddu lahayn Xisaab Twitter oo aanu weligiis isticmaalin twitter-ka..”

Hargeysa (SLpost)- Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland, ayaa sheegay inaanu Wasiirka Wasaaraddaas Maxamed Biixi Yoonis weligii yeelan, isla markaana isticmaalin Bogga Internet-ka ee Shabakadda Twitter, taasoo lagu baahiyey war lagu sheegay inuu Wasiir Biixi soo saaray oo lagaga hadlayey Caafimaadka Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, kaasoo uu Afhayeenku ku tilmaamay waxba kama jiraan iyo been-abuur.

Maxamed Biixi YoonisWar-Saxaafadeed kooban oo uu shalay soo saaray Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Siciid Cali Muuse, ayaa waxa uu ku sheegay inaanay waxba ka jirin War lagu baahiyey Shabakadda Internet-ka ee Twitter-ka, isla markaana lagu sheegay in Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis kaga hadlay xaaladda caafimaadka Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Siciid Cali Muuse qoraalka uu soo saaray ee uu ku beeniyey warkaas laga faafiyey Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandpost.net, waxa uu u qornaa sidan:- “Waxaan rabaa in aan idiin cadeeyo in aan waxba ka jirin war lagu qoray websites-ka qaarkood oo been lagaga sheegay Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis.

Warkaas oo lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Debedu Twitter-kiisa uu ku qoray warar ka hadlaaya xaalada caafimaad ee Madaxweynaha Somalialnd, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaan idiin caddaynaya in aan Wasiirku wax shaqo ah ku lahayn warkaas la qoray ee uu been yahay. Waxa kale oo idiin caddaynaya in aan Wasiirku lahayn Xisaab Twitter oo aanu weligiis isticmaalin haba yaraatee twitter-ka.”