“ Waxaad Moodaa Salaadiinta iyo Siyaasiguba inay Khalad ka Fahmeen Hawsha ay Umaddoodu u Igmatey” Suldaan Aadan Faarax

 

Hargeysa(SLpost) – Suldaan Aadan Faarax Cumar  oo Ka Mida Salaadiinta Waawayn Ee Somaliland oo la hadlay warbaahinta Ayaa si qoto dheer uga hadlay laba qolo oo  uu sheegay in ay ay wakhtigan culeys ku hayaan Qaranka.

 

Ugu horayn Suldaan Aadan Faarax waxaa uu dhamaan shacabka Somaliland ku bogaadiyey sida ay dulqaadka ugu leeyihiin Hagardaamooyinka badan ee kasoo gaadhaya Salaadiinta iyo Siyaasiga daneystaha ah, waloo ay jiraan buu yidhi kuwo Dhawrsan Oo Ku Eeg Hawlihii Loo Igmaday Si Fiicana Ugu Dedaala Bulshada, Haybadoodii Dhaqan Iyo Odaynimana Aan Lumin.

 

“Waxay markasta indhahaagu qabanayaan Suldaan Xafiisyada uun hortaagan oo caqabad ku ah hawlihii qaranka iyo kuwii gaarka ahaaba,”  isagoo Suldaan Aadan hadalkiisa sii raaciyey “mar waa siyaasi Suldaanku, marna waxaad moodaa inuu shaqadii Cuqaasha hayo, mararka qaarna waxa uu u dhaqmayaa sidii oo uu maxkamad yahey waxaanu faraha lagalayaa hawlihii dhaxalka, hantidii guud iyo aanooyin shareecada u baahan oo aan Rayi iyo Xeelad u baahneyn, danbina lagu mudanaayo hadii Cadaalada lawaayo,  waxaanad moodaa Salaadiinta iyo Siyaasiguba  inay khalad ka fahmeen, hawsha ay umadoodu u igmatey, kana baaqdeen inay umadooda u jiheeyaan dhanka Horumarka, Cadaaladda, iyo hogaaminta toolmoon ..” Ayuu Yidhi Suldaan Aaadan Faarax

 

Gabo gabadii Suldaanku waxa uu Madaxweynaha iyo dawladda ka codsadey, in Jaziiradda Sacaada-diin la hagaajiyo lagana dhigo Xabsi weyn oo Salaadiinta inta qawlaysatada ah iyo Siyaasiga ka xuub siibtey danihii umaddiisa lagu xidho oo dhaqan celin loogu sameeyo.

 

 

Somalilandpost.net

Hargeysa- Somaliland