“Waxa la innagu soo qaaday Duullaan oo waxa la doonayaa in Damiirkeena la dilo” – Taliyaha Booliska Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Taliska Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa bandhigay maandooriyaha Khamriga iyo lacago laaluush oo ay gacanta ku dhigeen, kaddib markii laysku dayey in laaluush la siiyo askar ka tirsan Ciidanka Booliska oo hawl-galkan ku guulaystay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye-guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo ay weheliyaan xubno ka tirsan hoggaanka Ciidanka Booliska oo warbaahinta kula hadlay xarunta Taliska Ciidanka ee Hargeysa, ayaa sheegay in ciidanku ku guulaysteen inay gacan ku dhigaan maandooriyaha khamri oo lagu soo dhex qariyay jawaanada Qaadka laga keeno dalka Ethiopia.

Taliyaha Booliska Somaliland, waxa uu sheegay in Dadka maandooriyaha iska leh oo ah muwaadiniin la yaqaanno ay isku dayeen inay lacag laaluusho ah siiyaan Ciidanka Booliska oo inta ay lacagtiina ka qaadeen, maandooriyihiina ka qabtay.

Taliyuhu waxa uu xusay in dadka ka ganacsada maandooriyeyyaashu ay isticmaalaan tabo kala duwan oo ku soo galiyaan gudaha Somaliland, waxaanu xusay inay dhici karto in maalin walba maandooriye Khamri ah Jaad ahaan loo cashuuro, waxaanu saraakiisha kastamada Cashuuraha ku wargeliyay inay ka foojignaadaan dhacdooyinka noocaas ah.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net