“Waxa jirta Masuuliyad Madaxweynuhuna kuu sheegayn dhaartana aan ku jirin oo dhexda laga sii qaato oo shandad ku jirta” – Dr Xoog

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaad Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuseen-Xoog), ayaa maanta si rasmi xilka wasaaraddaas ugu wareejiyey Wasiirka Cusub ee Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Wasaaraddaas Md Saleebaan Ciise Axmed oo hore u ahaa Wasiirkii Dib-dejinta Somaliland.

Madasha xil-wareejinta labada masuul oo ku suntanayd xil-wareejintii ugu ballaadhneyd ee golaha Xukuumadda ee madaxweynuhu isku-shaandheynta ku sameeyey oo shalay ku qabsoontay xarunta Wasaaradda Caafimaadka, ayaa waxa ka soo qayb-galay Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin, hay’adaha caafimaadka kala shaqeeya wasaaradda, Shaqaalaha Wasaaradda iyo marti-sharaf kale.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Xuseen-Xoog oo ka mid ahaa labeentii xukuumada Xisbiga Kulmiye, dhawaanna madaxweynuhu xilka ka qaaday, ayaa ka warramay dedaalkii uu soo geliyey xisbiga Kulmiye, taariikhdii ay isla mareen halgankii kursiga ee Kulmiye iyo qaabkii uu ku kasbaday magacaabistii madaxweynuhu u gartay Wasaaradda Caafimaadka.

Xil-wareejinta CaafimaadkaWasiirka Xoog oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Anigu waxaa ahaa xubin firfircoon oo Kulmiye ah oo fagaarayaasha ka qayliya oo yidhaahda Dadka isbadel ayaanu samaynaynaa oo meel walba ka akhriya ayaan ahaa. Markii Kulmiye uu ku guulaystay talada Dalka aniga oo runtii daal badan tirsanaayey saddexdii sanno ee ugu danbeeyay. Daal badan oo ahaa mid Maskaxeed iyo mid Jidheed iyo mid xagga Teebka ahayd-ba. Dagaal ayaan kula jiray beesha aan ka soo jeedo oo Madaxweyne u sharaxnaa, waxaan jeclaystay in kol haddii hawshii aanu wadnay  ku guulaysanay in daalka meel ku dhaco danahayga iyo boogahaygana aan dhaydo. Sidaas daradeed marka Xisbigu talada helay xitaa Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), hambalyo ugumaan tagin aan ku bogadinaayo guushayada.”

Dr Xoog isaga oo sababaynaya inuu madaxweynaha ugu tagi waayo hambalyada guushiisii Kulmiye, waxa uu yidhi, “Waxaan ugu tagiwaayeyna waxa weeye hambalyaynta Xubnaha firfircoon ee Xisbigan u soo halgamay hambalyadooda waxa ka mid ah Madaxweyne Liiska ha iga reebin. Waa qayb ka mid ah, aniguna maan rabin in liiska laygu soo daro, markaa sidaas daradeed ayaan Madaxweynaha guushii aan hambalyo u odhan oo shaqadaydii bareefadka ahayd ayaan halkaas ka sii watay. Maalintii lagu dhawaaqayey aniga oo bareefadkayga ka shaqaysanaya ayaa Nin Tilifoon ii soo diray oo igu yidhi waa lagu xaadiriyey. Maan rumaysan ilaa warkii aan labada dhagaystay. Waayo Suldaan iyo Oday iyo cid aan hawl-galiyey may jirin.”

Wasiirkii hore ee Caafimaadku waxa uu sheegay inaanu xilka iyo masuuliyadda u qaadin reer gooni ah balse uu Qaranku u shaqaynayey, balse aanu ka gaabin la socoshada xaaladda siyaasadeed iyo isku-xidhka beeshiisa iyo Xukuumadda, waxaanu yidhi, “Waxa laydhaariyey danta Qaranka dalka, Diinta, Dadka may ahayn dhaar  Wasaarad ay xaafadi leedahay oo laydhaariyey may jirin, laakiin waxay ahayd Wasaarad Qaran oo Caafimaadka Bulshada inaan kor u qaado ayaa laydhaariyey.

Waxa kale oo jira Masuuliyad Madaxweynuhuna kuu sheegayn dhaartana aan ku jirin oo dhexda laga sii qaato oo shandad ku jirta. Nin ayaa waxa la yidhi gabadh uu wallaalkii ka dhintay oo la hadal sidii uu wallaalkii uga u dhintay ayaa waxa la yidhi waddaad soo ka xaystay. Dabadeed waxay tidhi waar waxba miyaad ii sheegayn. Waxa uu yidhi Illahay ayaa ku sheega. Goorma ayuu ii sheegay. Waxa uu yidhi markii wallaalkay dhintay ayuu ku sheegay. Immika waxa Illahay ku sheegay marka aad Wasiir noqoto inaad wax kale oo ciddi ku sheegin aad ka shaqayso oo ah in Reerka iyo Dawlada isku xidho. Runtii kaasna maan gabin oo waan ku shaqeeyay. Waxay cidkasta ay mar-qaati ka tahay may dhicin beeshaas aan xaggeeda ka soo talaabay wax eray ah oo laf-jab ku ah Qaranka kamay dhicin. Iyaguna way isla yaaban yihiin dadkuna way la yaaban yihiin muxaafidnimada Xaafadaas maanta. Xata odhanaysa dawladii iyo Reerkii ayaa ka xidhiidh furtay oo sidaas ayaa Wasiirka lagu badelay waxba kama jiraan ee waa sunhii dawladnimada in maalinba Nin qabto. Haddii midhadh af-miishaara ah ay waxaas waddanka ay galiyaan oo u baahnaa  jaad iyo sharaabka,” ayuu yidhi Wasiirku

Wasiirka Cusub ee Caafimaadka Dr. Saleeban Xagla-toosiye oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa ka hadlay qorsheyaashii ku aaddan horumarinta adeegyada Caafimaadka, “In dadkeenu ay ka baxaan adeegyada Caafimaad ee ay debadda u doontaan, waxaana odhan-karaa dhaqaalaha ugu badan marka laga reebo qaadka iyo Is-gaadhsiinta waxa debadda u saara lacagteena inay tahay Caafimaadka ayaa odhan-karaa anigu. Waxayna kaga bixikarnaa in adeegyadaas dadkeenu ay debadda u doontaan la keeno inta k dhibana waxaan jecelahay inaanu halkan u keeno adeegyada ay debadda u tagaan,” ayuu yidhi Dr Xagla-toosiye.

SOMALILANDPOST.NET