“Waxa ina Mideeyay Cadaawadda iyo Xasadka Soomaaliya inoo Hayso” Eng Faysal Cali Waraabe

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa jawaab adag u diray dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo uu ku tilmaamay inay cadaawad iyo xasad ula badheedhay Somaliland iyo shacabkeeda.

 

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo khudbad ka jeediyey madal lagu soo dhaweeyey weftiga madaxweynaha Somaliland oo ka soo laabtay socdaal uu ugu maqnaa dalka Guinea, waxa uu guul ku tilmaamay socdaalka madaxweynaha isagoo maalin weyn ku sheegay dareenka shacabku ku soo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftigiisa, isagoo tallaabadaas ku sifeeyey mid ka dhalatay hadimooyinka dowladda Soomaaliya ku haysa qaranimada Somaliland.

 

Sidoo kale, Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu halkaas farriin uga jeediyey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo uu ugu baaqay inuu soo gunaanado khilaafka siyaasadeed ee ka taagan qabsoomidda doorashooyinka oo ay ugu horeyso Xubnaha Guddiga Doorashooyinka oo ay isku hayaan axsaabta siyaasaddu in la beddelo ama la kordhiyo xubnaha Guddiga.

 

MUUQAALKAN HOOSE KAGA BOGO HADALKA GUDDOOMIYE FAYSAL CALI WARAABE

 

somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net