“Waxa halkan laga cadeeyay inay xukuumaddu farogelintii hore ay ku darsatay inay farogeliso ururrada bulshada rayidka ah oo ay si toos ah u farogelisay SOLJA”

“Waxaan baaq nabeed u dirayaa shacbiga somaliland wada dega gaar ahaan gobolka Sool oo la sheegayo waxoogaa shaqaaqo ahi inay ka jirto, waxaan ugu baaqayaa nabad gelyo iyo inay arrimahooga ku dhammaysataan wada-hadal iyo walaaltimimo”

“Sida ka muuqata War murtiyeedkii ka soo baxay gunaanadkii shirka ama wada hadalka Jabouti waxa laga wada hadlayay Miisiirka Ummada, waa Masiirka Ummada gaar ahaan Somaliland, marka laga wada hadlayo arimaha Masiiriga ah waxa caado u ahayd Qarankeenan in laga wada tashado”

HARGEYSA (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), ayaa khudbad u jeediyey Taageerayaal cusub oo WADDANI ku soo biiray, kuwaasoo Munaasibad soo dhawayn ah Masuuliyiinta Xisbigu ugu sameeyeen magaalada Hargeysa.

HALKAN KA DAAWO