“Waxa ay Musharaxiinta Intooda Badani isla Qaateen in Haddii Alle Idmo Sabtida aannu Qabanno Shir Weyn oo aanu Kaga Hadlayno Arrimaha Xisbiga” Xildhibaan Waabeeye

 

 

Hargeysa(SLpost) – Garabka Xisbiga Kulmiye ee musharaxiinta ku bahaysan Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Samaale iyo Xildhibaan Kijaandhe ayaa markii u horaysay sheegay waxyaabaha ay diidan yihiin, waxaannay ka hadleen inay sabtida saadambe si buuxda uga hadli doonaan mawqifkooda ku aadan qabashada shirka golaha dhexe ee Kulmiye.

 

 

Garabka ka soo horjeeda guddoomiyaha Kulmiye oo maalmihii u dambeeyay shirar ku lahaa hotelka Maansoor, mararna la kulmay madaxweyne xigeenka Somaliland ayaa diidan hanaanka loo wado qabanqaabada shirka golaha dhexe, waxayna doonayaan in guddi qabanqaaba oo metesha musharaxiinta Kulmiye diyaariso shirka golaha dhexe.

 

Xildhibaan Waabeeye oo ah guddoomiye xigeenka labaad ee Kulmiye kana tirsan garabka dhawrka musharax  oo shirarkaasi kadib caawa la hadlay telefishanka Star ayaa sidan u sharaxay shirarkooda “Sidaad ogtihiin waxaa lagu dhawaaqay shirkii golaha dhexe ee Kulmiye ee lagu dooranayay musharaxiinta madaxweyne ee Dalkan.

 

Maadaama shirkaasi uu ka soo baxayo madaxweynihii mustaqbalka ee Kulmiye waad aragtaa culayska uu shirkaasi leeyahay, markaa waa dabiici in la shir oo guddida fulintu shirto oo golaha dhexe shiro. Habeen walba waanu shirnaa, wuxuuno laga hadlayaa sidii shirkaasi u hagaagi lahaa, si hufan ugu dhici lahaa, si caddaalad ah ugu dhici lahaa. Waxaanu go’aansanay inaanu jilcino shirka sida loo galayo waayo? Mustaqbalkii Kulmiye wuxuu ku xidhan yahay sida loo maamulo shirkaas, waxaan qabaa oo rag badana ila qabaa in mustaqbalkii Kulmiye ku xidhan yahay shirkaasi oo loo maamulo si caddaalad ah.

 

 

Xubno guddida fulinta ah oo dhawr iyo sodon ah oo iskugu jira gole dhexe, baarlamaan iyo fulin ayaanu halkan ku tashanaynay, waxaanay musharaxiinta intooda badani isla qaateen in haddii Alle idmo sabtida aanu qabano shir weyn oo aanu kaga hadlayno arrimaha xisbiga. Waxa kale oo aanu ka hadli doonaa waxaad ogtihiin in xoghayaha Kulmiye soo saaray in Sabtida ay bilaamayso diwaangalinta golaha dhexe, taasna musharaxiintu waxay u baahan tahay inay si caddaalad ah oo siman u hesho cid wakiil uga ah oo golihii dhexe hubisa cidda ay yihiin, arrimahaas oo dhan ayaanu ka faalloonay,” ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye.

 

Xildhibaan Waabeeye oo la waydiiyay inay ka shakisan yihiin in golaha dhexe wax laga bedelo waxa uu ku jawaabay “Mayee golaha dhexe ee Kulmiye way diwaangashan yihiin laakiin, dee siyaasadu aamin ma leh oo waad ogtihiin qofkii waa in qof u wakiil ahi joogo, waad daawataan meelo laga codaynayo musharax kasta cid baa uga wakiil ah, musharax kastaana wuxuu xaq u leeyahay inuu iska hubiyo xubnaha golaha dhexe inay kuwii rasmiga ahaa yihiin iyo in kale waayo?  Siyaasaddu aamin ma leh.”

 

Waabeeye wuxuu sheegay in Madaxweyne xigeenka ay arrimo door ah ka wada hadleen xubno garabkan ah oo kulan gaar ah la qaatay balse faahfaahin kama bixin waxa lagu kala tagay.

 

Somalilandpost, Office, 2015