“Waxa ay Beentaas iyo Barobagaandhadaas u sheegayaan, waxa ay qarinayaan dhibaatada dhexdooda taalla iyo Mushkiladaha ku furan ee…” – Xoghaye Guud Uur-cadde

OLYMPUS DIGITAL CAMERAHargeysa (SLpost)- Xoghayaha Guud ee Xisbiga  Mucaaridka ah Ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, ayaa ka Hadlay Barobagaandhada Xukuumaddu ku furtay Shirka Dood Qaran ee ay axsaabta mucaaridka ahi ku baaqeen in dhammaadka sanadkan la qabto.

Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo Habeenkii Xalay Si Gaar ah ugu Warramayey Wargeyskas Hubaal ayaa Ugu Horrayn ka Hadlay warar Aan Sal iyo Raad midna lahayn oo laga Baahiyo Warbaahinta dawladdu gacanta ku hayso, kuwaas oo si gaar ah loogu weerarayo Guddoomiyaha Golaha wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro).

Xoghayaha oo ugu Horrayn ka Hadlaya   warxumo-tashiilnimada Warbaahinta qaranku waddoo, ayaa Hadalkiisa ku Bilaabay sidan, “Xukuumaddu waxa  ay Maalin Walba  abaabushaa inay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ka caayaan Idaacadda Iyo Tv-ga Qaranka oo   ay wanjalayaan oo wax aanu dhaqan u lahayn ka sii daynayaan, waana mid aanu aad uga xunnahay, waxana ay ceeb ku tahay guud ahaan qaranka iyo Xukuumaddaba in ninka Afraad ee waddanka ugu sarreeya Maalin walba wax aanu odhan oo Been ah laga faafiyo.” Ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde

Waxa kale uu ka Hadlay Go’doominta iyo Bandooga ay xukuumaddu saartay Raggii ugu  miisaanka Cuslaa Halganka Nafta iyo Maalkaba Loo Huray ee Ururkii SNM, kuwaas oo Hormoodkoodii laga Diiday in lala tashado, waxana uu yidhi, “Waanu ka xunnahay in raggii mujaahidiintii SNM Aas aastay ee Maxamed Xaashi, Ibraahm Dhegoweyne, Xasan Ciise, Xasan Guure iyo Rag kale oo miisaan lihi ku jiraan Taladoodii la qaadan waayo  oo maalin walba iyadoo madaxtooyadu dad kala duwan qaabilayso oo ku mashquulsan tahay in la Yidhaahdo idin qaabili mayno Ra’yigiinana dhegaysan mayno, waxa kaliya ee Raggaas lagu haystaana waa Ra’yi fiican baanu Haynaa ee Nala Eega iyo idinla Eegi mayno, waana gef qaranka iyo shacabka iyo Halgankiiba laga galay”

Maxamed Cabdilaahi oo  faahfaahin ka bixinaya Arrimaha ay doonayaan inay Kaga Doodaan shirka qaran ee ay qabanayaan, ayaa yidhi,  “Doodda qaran ee aanu wadno waxanu rabnaa in lagaga hadlo Diiwaangelintan maalin walba aynu caalamka u dawarsi tegayno ee markii aynu diiwaangelintaas weynay dawladihii hoose wixii inaga soo maray aynu ogayn aynu islameel dhigno inay inoo noqoto sidii aynu heli lahayn diiwaangelin si caddaalad ah inoogu dhacda oo aanay inooga khasaari lahayn oo u noqoto diiwaanglein dhamaystiran,”

Arrimaha kale ee uu sheegay inay doodda kaga hadli doonaan ee qaranka muhiimka u ah inuu meel isla dhigo, ayaa wax aka mid ah,   “Waxa kale oo aanu  damacnay inaynu kaga doodo Golahan Guurtida ee ilaa maalintii Somaliland la Aasaasay mar qudha aan doorasho gelin xeerkeediina aan la samayn, xukuumaddiina haddii ay xeer samayso ay u arkayso inay Golaha Guurtida isku dhacayaan oo ay Awood Badan waayi doonaan, waxana aanu aamin sanahay in Haddii la doono Kuwan Joogaba halla doortaba’e in sharci cad loo sameeyo sida distoorku sheegayana la raaco oo doorasho lagu soo galo dunidana lama arag gole yidhaahda annagaa isku kordhinayna oo la iska daawado.”

Xoghaya Guud ee Xisbiga waddani waxa uu Tusaale Fiican u soo qaatay shir talo qaran ahaa oo  sannaddii 2008-dii ay Hargeysa ku qabteen xisbiga  Ucid iyo Kulmiye,waxana uu sheegay inay kii oo kale qabanayaan, “Annagoo ucid iyo Kulmiye  ah 2008-dii waxanu shir kan oo kale ah ku qabanay Hutel  Obama, waana ayaan darro in wixii shalay Kulmiye Hormoodka ka ahaa  ee wanaagga Keenay inuu umaddii uga dhigo in dalkii la Burburinayo oo shir-beeleed la qabanayo oo  Barobagaandhe umadda lagu jaahwareerinayo Warbaahintii qaranka laga baahiyo.” Ayuu yidhi maxamed cabbilaahi, waxana uu intaas ku daray,  “Haddii sharcigii shalay uu Kulmiye shirka ku qabanayey  la Beddelay umadda Ha U sheegaan, Haddii kalena waxanu ku Baaqnay kama Duwana wixii ay Shalay Hormoodka ka ahaayeen, waana wax aanu xaq u leenahay oo distoorka iyo shuruucda dalku Noo Oggol yihiin.”

Waxa uu tilmaamay Xoghaye Uur-cadde in sababta ay maanta Kulmiye Tashuushka iyo Baroobagaandhaha warbaahinta qaranka maraya loogu furayo axsaabta qaranku ay tahay  sidii ay indhaha shacabka uga duwi lahaayeen dhibaatada iyaga dhexdooda taalla, waxana uu yidhi, “waxa ay ku qarinayaan oo ay waxaas u wadaan oo ay Beentaas u sheegayaan si ay dhibta gudahooda taalla dadka ugu jaahwareeriyaan oo ugu qariyaan dhibaatadda iyo is faham la’aanta dhexdooda taallaa inhaha shacabkana ugu jeediso dhinaca axsaabta mucaaridka ah.”

Maxamed Cadbilaahi waxa uu sheegay inaanu Guddoomiye Cirro meelna ka soo gelin kuna Abtirsan wax shir-beeleed ah, waxana uu tilmaamay inuu hore arrimahaas oo kale taariikh gaar ugu galay diidmadooda, waxana uu yidhi,  “cabdiraxmaan cirro waxa uu ahaa markii Raggan maanta qaylinayaa ay shir beeleedka ku baaqaayeen raggii u badheedhay ee xisbigii Ucid  wax ka  Aasaasay, maantana looga baqi maayo  inuu shir Beleed ku Hammiyo, Haddii xukuumaddu doonayso inay shir Beleed qabato oo Doorashada dib u dhigtana waxanu leenahay joojiya.”

Dhinaca kale waxa uu Xoghaya Guud ee Xisbiga Waddani si aad ah u cambaareeyey tallaabooyinkii qudhgooyada ahaa ee  kala dambeeyey, kuwaas oo lagula kacay Xarunta wargeysa Hubaal, Xildhibaan Qabille iyo Muj, Maxamed Kaahin, waxana uu yidhi, “waxan cambaaraynayaa arrimo iska soo daba dhacay oo aanay xukuumaddu waxba ka qabanin oo ay ugu horrayso Weerarkii Wargeyska Hubaal uu ku weeraray kuna Toogtay masuuliyiintiisa illaa haatana aan waxba laga qabanin, iyo Xildhibaan Qabille oo ah xildhibaan xasaanad leh oo la soo doortay ayaa magaalada Hargeysa lagu dhex toogtay, wax alla iyo wax laga qabtayna ma jiraan oo ma hayno, waxa kale oo  wax laga naxo ah in Muj. Maxamed Kaahin in Magaalada Hargeysa dhexdeeda qori lagu qabto, waxa waxaasi u dhacayaana waa xukuumadda oo aan  dadka  falalka noocaas ah geysta tallaabo ka qaadin Haddii aan wax laga qabaninna wax ka xun baa imanaya.”

Maxamed Cabdilaahi uur-cadde waxa uu xukuumadda ku dhaliilay  inay tahli kari weyday inay sharciga Hor keento cidda mudanta shacabka tooganaysa, waxana uu xusay inay u xoogweyntahay kaliya cidda wax ka qorta iyo saxaafadda madaxa Bannaan, waxana uu yidhi,  “xukuumaddu dadkii Suuqa wax ku Tooganayeyna waxba kama qabanayso, ninka Maqaal yar Qorana waa la taxaabayaa oo maxkamad iyo xadhig baa lagula cararayaa”.

XIGASHO: Wargeyska Hubaal