Wax-ma-tare: W/Q: Hibo Ciise Maxamed

hibo-ciiseCaruuri meel ay joogto iyo wax ay cunaano iyo meel  lagu cuno toona war iyo wacaal uma hayo, isaga iyo daankiisa ayuunba saxiiba oo cankaa takhsiinsan iyo qiiqaa uu budhbudhinayo ayuunbuu aduun ka yaqaan. Haddii uu waayana xaaladu waa bariga dhexe iyo bakoorad wixii la arkoba daba loo qabto,. Nacallaba, hoo baaruud.

Caruurta hooyadood ayaa quudkooda iyo arad baxoodaba laga sugaa ilaa iyo intii uu dhashay ka yar ee ay labana ka weyn yihiin laba kalena hoos uga yar yihiin oo ku beegnayd goortii ay gabi ahaanba fahmi wayday dabeecadihiisa iyo waxa uu soo wadwato oo ay u kala saari wayday waali iyo miyir qab.

Imika waxa u dheer inay kordhiso wakhtiyadii ay cadceeda la meeri jirtey caanaha dhayda ah oo ay ku darto ciir ay subixii la wareegto iyo baco ay ka baayac mushtarayso, taas oo ay ku kadeeday kolkii ay damacday inay ubadka inta wax barasho gaadhay qayrkood raaciso inta ay nooshahay ee ay sii tamarinayso.

Salaada hore iyo xili aan umadduba soo jeedin ayay dabka u hurisaa si ay calool gashi ugu sameyso ubadkeeda iyo bahalkan guriga usoo yuuruura een wax yeelo mooyee wax tar usoo wadin. Dabadeedna yaa arsaaq yaa fataax inta ay tidhaahdo ku jarmaadaa suuqa. Iyadoo daal bastii ahna ugu soo guryo noqotaa oo haddana kala wad iyo kala hagaaji gaashaa.

Waxey noloshu iska luudaba isagiina wuu sii kibray oo wax cun oo cab mooyee hami iyo qamigii kaleba ka tagey oo lagu soo fah siiyey islaantiisii iyo ubadkiisii. Waa goor casar dheere ah guriga ayuu soo daf yidhi isaga oo xameysan oo ay balaayo duulinayso budh madax kuusana laalaadinaya “ nasii baanu ku nidhi busaarad baanu bas nahaye” buu si iimaanla ugu yidhi iyadii oo imika uun soo gashay “ maanta wakaa joogii oo buuxaa oo cidiba maxaad haysaa ima odhan” bay si daal, tacab iyo niyad jab laysku walaaqay ka muuqato ugu celisay. Bug , bug iyo bashkax baa xigtay iyo dhiiga qulqulaya.

 

Hibo Ciise Maxamed

hibafaakhir@gmail.com