“Wax ka fiican waxaanu hayno inaad keentaan baanu idinku dhiirinaynaa” – Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Guushii Mucaaradku ka gaadheen Doorashada

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadlay guushii ay xisbiyada Mucaaradku ka gaadheen Doorashadii Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada iyo guusha ay ka gaadheen hanashada shir-guddoonka Golaha Wakiillada.

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay inuu Xisbiyada mucaaradka uga mahad-naqayo samirka ay ku muujiyeen kaalintooda mucaaradnimo, balse xilligan looga baahan yahay inay xukuumadda kala shaqeeyaan dhismaha iyo horumarka Qaranka maadaama ay qayb ka noqdeen hay’adaha dowladda.

Md Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadal ka jeediyey munaasibad ay goob-joog ka ahaayeen labada guddoomiye ee xisbiyada Mucaaradka oo ay ku qalin-jabiyeen 1,157 arday oo dhammaystay Waxbarashada kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda Hargeysa,  waxa uu sheegay in xukuumadda xisbiga Kulmiye iyo Mucaaradkaba si siman looga fadhiyo masuuliyadda wax-qabadka looga fadhiyo hay’adaha dowladda.

“Waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqayaa Xisbiyada mucaaridka iyo madaxdooda. Mucaaridku markasta wuxuu tirsanayaa inaanu waxba haynin, in la riixayo, in la gacan bidixaynayo, waxaan aad ugu mahad naqayaa inay soo adkaysteen, doorashadii aqbaleen oo ay soo galeen, waliba ay guulo gaadheen oo xilkii nala wadaagaan oo ay qeybtooda hayaan oo aan leeyahay waxaa laynaga wada rabaa intaad haysaana inay wanaag muujiso. Wax ka fiican waxaanu hayno inaad keentaan baanu idinku dhiirinaynaa, dalkana aan wada dhisno, sidaas uun baan horumar ku gaadhi karnaa,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net