Wax ka baro Faa’iidooyinka Caafimaad ee Saliid Macsaradu Leedahay

Macsarada waa saliid aad u qaali ah, lehne faa’idooyin caafimaad oo aan la soo koobi karin.

Saliid macsarada waxaa la isticmaali jiray kumanaan sano ka hor oo Hindida iyo Shiinaha ayaa u isticmaali jiray daawo lagu dabiibo cudurro badan waxaana loo yaqaannaa saliid macsarada “Queen of Oils” oo ah macnaheedu “Boqoraddii Saliidaha” waxayna magacaas ku mutaysatay qiimaheeda caafimaad iyo cunno ahaanteedaba.

Saliid macsarada waxaa dhulka Soomaalida laga isticmaali jiray muddo fog iyadoo Shiididdeeda loo adeegsan jiray Geela.

Haddii aan isku dayo in aan ka hadalno faaidooyinka ugu caansan ee ay leedahay iyo cudurrada lagu daaweeyo, waxaa ka mid ah:

1- Macsaradu waa saliid cunnada loo isticmaalo lehne ur udgoon.

2- Macsaradu waxay ka hortagtaa cudurka kansarka maadaama ay tahay “Antioxidant” awood leh.

3- Waxaa macsarada ku jira ugu yaraan 7 maaddo oo xanuun baabi’iye ah.

4- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa diiqadda, welwelka iyo hurdo la’aanta.

5- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa Cirridka iyo cudurrada ku dhaco afka.

6- Macsaradu waxay daawo u tahay Kolestaroolka kacsan.

7- Macsarada waxay joojisaa qolfoofidda xididada, waxayna furtaa xidaddada xinniban ee wadnaha.

8- Macsaradu waxay jilcisaa caloosha laguna daaweeyaa saxaro-adeyga.

9- Macsaradu waxay daawo u tahay wareerka iyo aragtida daciifka ah.

10- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa xasaasiyadda iyo cuncunka jidhka

11- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa kacsanaanta iyo isku-buuqa maskaxda.

12- Macsaradu waxay nafaqo u tahay korriinka tinta wayna dheereysaa.

13- Macsaradu waxay oogada ka ilaalisaa ileyska iyo kuleylka Qorraxda.

14- Macsaradu waxay daawo u tahay xanuunka caadada iyadoo la mariyo caloosha qeybta xudunta ka hooseyso xilliga caadada.

15- Macsaradu waxay yaraysaa qaleylka iyo xannuunka haweenka dhalmo-deyska ah iyadoo saxaaxa lagu subko.

16- Waxaa saliidda macsarada ku jira borotiinno aad u badan oo ku filnaan kara qofka haddii uu cunto ka dhigto.

17- Waxaa macsarada ku jira dufan kordhiya xasuusta iyo xifdinta.

18- Waxaa macsarada ku jira fitamiinka “E” kaasoo firfircooni galiya wareegga dhiigga.

19- Waxaa kaloo macsarada ku jira Kalsiyam, Botaasiyam iyo Fosfate oo jidhku aanu ka maarmin.

20- Macsaradu waxay u horreysaa saliidaha loo isticmaalo daliigidda maadaama maqaarka jidhka ay si sahlan uga gudubto.

21- Macsaradu waxay daawo u tahay kacsi la’aanta iyo hamad-yarida, maadaama macsarada laga helo 4 maaddo oo muhiim u ah kacsiga iyo badinta biyo-baxa.

22- Macsaradu waa daawada ugu fiican xanuunka loo yaqaanno “Sciatica” oo ah xanuun neerfaha  “Sciatic” oo keena dhabar xannuun iyo lugo xanuun aad u daran.

23- Macsaradu waxay ka qeyb qaadataa kontoroollida cadaadiska dhiigga.

24- Macsaradu waxay daawo u tahay Baabaasiirta, qofkii macsaro joogteeyaana baabasiir isma arkaan, waa sida la xaqiijiyay.

25- Macsaradu maaha saliidaha kiciya Gaastariga ama laab-dilaaca keena.

26- Saliidda macsaradu waxay raagi kartaa muddo dheer iyada oo aan isbeddelin maadaama ay ku jirto maaddo la dagaallanta bakteeriyada iyo caabuqa.

27- Macsaradu waxay daawo u tahay caabuqa sanqada “Sinusitis” oo hal dhibic oo sanka lagu dhibciyo ayaa ku filan.

28- Macsarada oo lagu luqluqdo subax kasta, waxay ka hortagtaa caabuqa Quumanka iyo Cuno-xanuunka.

29- Macsarada waxay daawo loo bogay u tahay Kala-goysyo xanuunka.

30- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa cudurka “Athletes Foot” oo ah caabuq Fangas oo ku dhaca faraha cagta dhexdooda oo u badan Orodyahannada iyo Ciyaartoyda.

31- Markii lala isticmaalo biyo kulul, waxay daawo u tahay cabeebka Farjiga ee dumarka.

32- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa faruuruca ay keento xafaayadaha loo xidho caruurta.

33- Macsarada oo ilmaha iskuulka tagaya loo mariyo sanka waxay ka ilaalisaa hargabka iyo sanboorka ay ka qaadi karaan caruurta kale.

34- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa Dhan-jafka iyo madax xanuunka noocyadiisa kala duwan iyadoo madaxa lagu xidho.

35- Macsarada oo la qiiqsado ama la isku huuriyo waxay daawo u tahay neefta iyo cabudhnaanta marinnada hawada.

36- Macsarada waxaanan la siinin kaliya qofka shubmaya maadaama ay tahay calool jilciye oo waxay sii kordhineysaa shubanka.