Wax ka baro Cudurka Dadka Xasuusta Ka Lumiya (Parkinson Disease), astaamihiisa iyo sidi loola tacaalo

Cudurka xusuusta dadka ka lumiya wuxuu ku dhacaa qayb ka mid ah maskaxda oo koontaroosha dhaq-dhaqaaqa muruqa. Ma jirto wax daawo ah oo loo hayo cudurka xusuusta dadka ka lumiya, laakiin badanaa si tartiib ah ayuu u kordhaa isla markaana calaamadaha waa loo taag heli karaa.

 Calaamadaha: Afarta calaamadood ee ugu badan ee Cudurka dadka Xusuusta ka lumiya waxay kala yihiin:

• Gariirid ama lulasho

• Murqaha oo giigsama

• Dhaq-dhaqaaqa oo yaraada

• Dhibaato dhinaca isu dheellitiranka iyo dhaqaaqidda

Markay calaamadahan sii xumaadaanba, waxaa laga yaabaa inay dhibaato kaa qabsato socodka, hadlidda, ama sameynta hawlaha fudud sida maydhashada ama lebbisashada.

 Daryeelkaaga:  Marka ay calaamaduhu kuu keenaan dhibaato, takhtarkaagu waxaa laga yaabaa in uu ku faro daawo ama masaajeyn jirka lagaa siiyo si gacan looga geysto in aad calaamadaha wax uga qabato. Markay calaamaduhu ka sii daraanba, qalliin ayaa laga yaabaa inuu noqdo waxa la dooranayo si gariirka loo yareeyo.

 Waxyaabaha aad Sameyn Karto si aad wax uga Qabato Calaamadaha

• Si tartiib ah u soco adigoo is toosinaya lugahana kala fogeynaya.

• Isticmaal 4-prong cane ama gaariga la cuskado ee lagu socdo hadii loo baahdo.

• Haddii aad meel ku dhegto ama ka dhaqaaqi weydo, si tartiib ah dhinac isaga soo riix oo dhinaca kale isu riix ama iska yeel sidii adigoo shay sagxadda yaalla ka tallaabsanaya.

• Falliiqyo sharooto ah dhig dhulka si ay kuugu hagaan gurigaaga. Katiifadaha iyo alaabta guriga ka qaad meesha aad ku soconeysid.

• Si tartiib ah uga kac kursiga ama sariirta si aad uga fogaatid war wareer ama in dhulku kula wareego.