Wax Ka Baro Bisha Ramadaan – W/Q: C/Raxmaan C/Laahi (Wirdaani)

Wirdaani2. SIDEYNU UGA FAA’IDEYSANAA RAMADAAN

Sideynu uga faa’ideysanaa ramadaan waa qormadeenii labaad ee taxanaha inoo noqon doonata inteynu ku guda jirno bishan barakaysan ee ramadaan.

Hadaba si aynu uga faa’idaysano bishan ugana qadhimaysano rabina ugu dhawaano camaladda wanaagsan ee aynu falayno, si aynu ugu helno danbi dhaaf iyo naarta oo la inaga xoreeyo waxa lagama maar-maana inaynu raacno sideedan talaabo oo aad muhiim u ah.

  • ADIGA IYO SALAADA.

In lagu da’daalo faralka iyo wakhtigeeda oo jamaca la latukanayo, kuna nagaano inta u dhaxaysa salaaddaha masjidka, waxay noqon mid aynu ku faa’idno, salaaduna waa arin aad loo xoojiyo markay soo gasho ramadaan.

  • ADIGA IYO QUR’AAN-KA.

Xaraf kasta oo ka mida kitaabka alleh waa hal xasano, halkaa xasanan waa lagu toban laabayaa, ramadaanta iyadu waa ka ajar badantahay  oo waa laguu todobaatan laabayaa, hadaba markaad jis quraana halkii maalin akhrido waxaad heli afar milyan oo ajar ah, hadaba sidaynaan laba iyo saddex jisba u akhrinayn, si aynu u helno ajrkaa, aynu badano akhriska quraanka kariimka ah.

  • ADIGA IYO SADAQADA.

Maalin kasta u qorshee xadi lacageed sadaqo intaad ku guda jirto bisha ramadaan, sadaqadana todobaatan ayaa laguu libinlaabi, wax bixintuna waxay daboosha cadhada alle, halkaad ka soo saarteyna in ka badan ayuu rabi galin.

  • ADIGA IYO TARAAWIIXDA.

Salaada taraawiixda waxa ku duugan ajar aad u weyn, xadiis ka sugnaaday nabigeeni suubanaa (NNKHH) wuxuu ku lahaa ” qofka la bilawda imaamka salaada taraawiixda lana dhamaysta wuxuu Eebe u dhaafayaa danbigii hore” hadaba maxaada u malayn salaada aynu ku helayno danbi dhaafaka intaa leeg, waxaan ku talin lahaa yeynaa mooganaan salaada taraawiixda.

  • ADIGA OO DADKA CAFIYA.

Ka bilaw kuu idinka dhaxeysay khilaaf waayo bishan waa bishii laabta ay isku xaadhanayeen muslimiintu,  alleha koreeyaa ma aqbalo soon bani aadam oo uu ku jiro cadaawad laba qof u dhaxaysa, aynu isa saamaxno intaynu ku jirno bishan ramadaan.

  • ADIGA OO DADKA KHAYR U SHEEGA.

Bishan waa bishii dadka samaha la farayey xumahana laga reebayey, nabiguna waa kii lahaa (NNKHH) ”…iga gaadhsiiya aniga haba noqoto aayade” dadka ku baraaruji wax kasta oo aad is leedahay waad dheertahay, kuna dhiri gali kuwa kuu dhaw inay sameeyaan daacadka alleh.

  • ADIGA OO LA SAAXIIBA DADKA KHAYR JECEL.

la saaxiib ramadaanta saaxiibkaaga jecel wanaag, la saaxiib ka kugu xidhaya masjidka, la saaxiib ka wax binta jecel bisha ramadaa, la saaxiib dadka khayr badan bisha ramadaan, kana fagaw cida xumaha faraysa, una fiirso cidaad la socotid bishan barakaysan, hana noqoto cid ku wahelinaysaa cid samaha jecel.

  • ADIGA OO BADIYA DUCADA.

Asaxaabtii rasuulku waxay ahaayeen qaar ku da’daal ramadaanta ducada, adna noqo kii Eebe barya bishan ramadaan, danbi dhaaf weydiista, waayo waxaad tahay ina nabi aadam gafaya galin hore iyo galin danbe-ba, rabigaa danbi dhaaf wey diiso, umadda muslimka ahna u bari inuu ka saaro dhibaatooyinka haysta.

waxaan rabi ka baryayaa inuu inoo naxaraysto, inagana xoreeyo naarta, naftaadana kula da’daal wixii aad kaga faa’idaysanayso bishan barakaysan ee ramadaan, iskuna day inaad samayso tilmaa-mahan ama talaabooyinkan waxay hormood kaaga noqon doonaan  camalka fiican ee aad samaynasid, Eebe waxaan ka baryayaa inuu camalkeena aqbalo.

wirdaani@yahoo.com

Al pha Universty

Hargaysa Somaliland