Wax-garadka, Odayaasha, Cuqaasha iyo Xildhibaannada Beesha Makaahiil Isaaq oo farta ku fiiqay Caddaalad darro ka jirto Maxkamadaha Dalka

Hargeysa(SLpost)– Cuqaasha,Waxgaradka,Odayaasha Xildhibaanada Iyo Madax-dhaqameedka beesha Makaahiil Isaaq (Sacad Muuse) ayaa ku baaqay in baadhis iyo dib-u-eegis lagu sameeyo xukunka Cadaalad darada ee is burinaya  ee ay Maxkamadu qaraarka kaga xukuntay dhul 4-Higter ah oo ay agooni lahayd oo ku yaala Xaafada Ibraahim Koodbuur ee Magaalada Hargeysa,isla markaana waxay dhaliileen hab-dhaqanka garsoorka Somaliland iyo Agaasimaha Wasaarada arrimaha gudaha Cabdilaahi Xuseen (Balaaki) oo ay ku tilmaameen Inay amniga waddanka waxyeeli karaan haddii ay sidan ku sii socdaan.

Cuqaashan waxay sheegeen in Maxkamaddu hibo u siisay nin agoontii halkaa daganayd ka iibsaday laba balood oo markii danbe Maxkamaddu isaga si sharci daro ah ugu xukuntay.

Xildhibaanadda, Madaxdhaqmeedka iyo Waxgaradka beeshaas waxay ku doodeen in Maxkamadda gobolku ay soo qortay qoraalo isburinaya oo aan sharciga waafaqsanayn, isla markaana uu Agaasimaha daakhiliguna dhiniciisa hawsha kaga jiro oo uu xukunkii ama gartii cadaalada ahayd ee la qaadi lahaa uu ka eexday, taasina ay dhibaato iyo khalkhalgelin karto amniga waddanka haddii aan waxba laga qaban.

Sidaa waxay  ku sheegeen Cuqaasha, Waxgaradka, Odayaasha, Xildhibaanada, iyo Madax-dhaqameedka beesha Makaahiil  kulan balaadhan oo ay maanta ku qabteen Magaalada Hargeysa.

Agaasimihii hore ee Wasaarada qorsheynta qaranka Maxamuud Xuseen Muuse (Oday) oo  halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu halkan isugu nimid aniga iyo beeshayda (Makaahiil), Waxgaradkeedi, Cuqaasheedi,Madax-dhaqameedkeedii arrin cadaalad daro iyo xaq daro ah oo danbiya oo nagaga imanaysa Maxkamadaha waddanka, waxaan qabaa danbiga halkaasi yaala uu ku khas-ban yahay madaxweynuhu isaga oo ummada danteeda xeerinaya inuu baadhis ku sameeyo dunuubta aanu ka cabanayno.Wax dhacday 1999-kii in Agoonta Sahra Xirsi Barre lagu soo weeraray ee reer Yuusuf Muuse hanta dhul ah oo ay lahayd oo ka koobna Afar Higtar, waxa la qabtay iyada oo nin kale qolo kale kula dacwiyayo 5.98 Higter in la qabto 8.5 Higtar oo dhula oo afar Higter oo ay agoontu leedahayna ay ku jirto si kastaba ha u dhacdee dacwadaasi way dhamaatay ninkii ku dacwiyayey 5.98 Higter loo fuliyo, nasiib darada jirtaa waxa weeye 2.4 Higter agoonta u soo hadhayey ayaa Xaakin maxkamada Gobolka Jooga qaraar u soo saarey nin agoonta baloodh ka iibsaday qaraarkaasi 16/3/2010 ayuu ahaa oo leh waxaan u aqoonsaday Cabdilaahi Faarax Dugsiye oo baloodh ka IIbsaday agoonta iyo Amaal Faarax Cumar oo ay Jaar yihiiin oo aanay jirin dhulkaasi waxay ku leeyihiin”

“Waxay maxkamadaha waddankeenu u xilsaaran yihiin Mudane Madaxweyne, Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka (Guurtida Iyo Wakiillada),Golaha Wasiirada,Madax-dhaqameedada Somaliland dhamaantood waxaan leeyahay Maxkammadii ma wax ayey cid u aqoonsataa mise Xukun ayey ridaa? Waxaanu codsanaynaa oo ay madaxdhaqameedyadu codsanayaan oo ay agoontoou codsanayaan in baadhis lagu sameeyo, Dhukumentiga la eego, oo qaraarkaa aan sheegayo la eego oo la baadho oo cidii galabsatay danbiga halkaasi ka soo baxa dusha loo saaro”. Ayuu yidhi Oday.

Caaqil Cismaan Cali Cadde oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxa jira Dhul ku yaala degmada Ibraahim Koodbuur, dhulkaas oo laba qolo isku ashkateysay gartii oo aan la qaadin ayaa qaraaro faalso ah na loo soo saarey oo lagu siiyey qolada kale, waxa gara oo laga qaaday ma jirto oo halkaasi waa la isku qabsaday dhismihii halkaasi ka socday ee ay islahaayeen bilaaba, waxa dhacday inay xabado ka dhaceen, dabadeedna Boolisku soo gurmaday oo la joojiyey dhismahaasi, waxaanu labadayadii dhinacba u tagnay Wasiirkii Daakhiliga ee hore Dr.Gaboose iyo madaxda kale ee Booliska, waxa halkaasi Maayarka Caasimada Hargeysa Hargeysa Eng. Jiciir halkaasi ka cadeeyey inaan dhulkani wax gar ah laga qaadin, waxaanu fileynay inuu Wasiirku yidhaahdo Xaakinka waxan sameeyey ha na loo keeno oo la arko oo wax laga qabto ayaa waxa uu yidhi kol haddii aynu ogaanay inay ahayd been halkaasi ha ku joogto, arrintii oo halkaasi noo mareysa oo aan moodaynay in gar na loo qaadayo….Maxkamada sare hadana waxay soo saartay warqad danbe oo ay leedahay inaan halkaas wax gar ah oo laga qaaday aanay jirin lana joojiyo oo gar Cadaalad ahna laga qaado sidaas ayaana dhismihii lagu joojiyey anaga oo gar sugeyna, hadana guddoomiyihii maxkamadu waxa uu waraaqdii ka daba keenay Waraaq kale oo burinaysa ta hore oo odhanaysa waxaan u madax-banaaneeyey qoladii hore ee dhisanaysay inay dhisato”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxaanu shirkan u qabanay inay dadweynaha Somaliland inuu nala eego, nala arko oo madaxweynaha waanu u tagnay ilaa imika talaabo laga qaaday ma jirto, waxaanan leenahay haddii aanu baadil ku socono ha nala qabto oo na loo sheego waxa lagu dhisanayo hantii nin kale leeyahay oo ay dawladuna daawanayso, taasi waxaanu u aragnaa khalkhal iyo wax kale oo looga jeedo inuu ka dhaco Magaalada Hargeysa,…markaanu arrimaha oo dhan sida ay u socdaan ayaa waxa na loo soo sheegay in agaasimaha guud ee daakhiliga C/laahi Balaaki uu doonayo inuu Booliska u qoro Warqad,kuwaas oo uu ugu sheegayo in dhulkaas qoladaa loo xukumo baadilka wax ku doonaysa. Agaasimaha daakhiliga waxa u tagnay aniga iyo Caaqil Xasan Cismaan Qalinle, waxaanu ku nidhi dhulkii la isku haystay ee la joojiyey ayaanu maqalnay inaad warqad u qorayse  warqadaas ma jirtaa oo maad qortay mise maad qorin, waxa uu yidhi warqadaas waan qoray aniga oo tixraacaya warqad Maxkamadda ka soo baxday oo lagu xukumay arrintaa xukun ka dhacayna ma jiro sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare warqadiina ka doonta Saldhigyadda Booliska ayuu yidhi. Waxaanu ku nidhi taasi waa gaf cadee Wasiirkaagu miyuu kula ogyahay markaasuu yidhi maya ilama oga oo anigaa saxeexay, isla markaana halkaas afku nagaga xumaaday oo aanu kalmado iswaydaarsanay.Sida uu u dhaqmayo Agaasimaha Daakhiligu waxa muuqata inuu dhinacyahay, isla markaana wixii ka yimaada uu qayb ku lahaan-doono, waxaanu Madaxwaynaha iyo shacbiga-ba ogaysiinaynaa inaanu agaasimahaasi arintayada wasiirka daakhiliga kala hadli Karin, isla markaana aanu markhaati noo gali Karin.”

Xildhibaan Maxamed Sh. Cabdiraxmaan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida  Somaliland ee u metela beeshaas Makaahiil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi axa uu yidhi “Halkan waxa fadhida Cuqaashii Beesha Makaahiil oo dhan, waxa ay ka hadlayaana waa sidii looga hortagi lahaa xaalad nabadgalyo daro oo dhici karta haddii aan laga hortagin. Waxaanay la qaylinayaan runtii meelo badan-baanu gaadhsiinay anaga oo hortaagan oo nabadgalyo daro-da dalka ka ilaalinayna,…Madaxwaynaha-na waa la gaadhsiiyey shalay (doraad) oo ugu danbaysay Wasiirka arimaha gudaha, Badhasaabka Gobolka oo wada taagan waanu gaadhsiinay. Golayaasha qarankana waanu gaadhsiinaynaa xaaladaas waxa aanu leenahay wax ha lanagala qabto intii aanu qaban karaynay waanu haynaaye,”

Caaqil Axmed Cali Gaas  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Xukun Maxkamadeed oo wax lagu kala qaado waanu aragnay, laakiin Maxkamad wax hibaysa oo waxbaan u hibeeyey tidhaahda waa waxaanaan maqal, hanti ma guurto ah-na anigu kuma maqal in laba nin oo wax isa siinayaa isku hibeeyaan mooyiye laakiin Maxkamad wax hibaysa waa ii kow. Madaxwaynaha waanu u tagnay, waxaana jirta in Maxkamadaha iyo Bilayska iyo Madaxda Somaliland ay shuraako ku tahay meeshan oo ay wada dhacsanayaan oo lagu heshiiyey ayaanu aamin-sanahay oo ifafaalaheedii ayaa muuqdee ha la baadho ayaanu leenahay arintaas. Waxaanu ummadda u sheegaynaa inay dalka ka dhacday cadaalad daro wayni, isla markaana wixii ay shacbigu ka qaylin jireen ee ahaa Cadaalad daro ayaa jirta inay mid ka darani hada dhacdo, isla markaana wax xumaaday mooyaane wax maanta hagaagay ma jiraan. Hadii cadaalad daro-dan wax laga qaban waayo waxaanu u arkaynaa in Isbedalkii dalka ka dhacay ee aanu kula soconay xukuumaddan hada inuu noqday Isbedal lagu hungoobay.”

 Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Caaqil Xasan Cismaan Qalinle, Caaqil Faarax Cabdilaahi Cismaan kuwaas oo dhamaantood ku eedeeyey Xukuummada Madaxweyne Siilaanyo inay garan wayday xalka dhabta ee laga gaadhayo dhulkaasi ku yaala Xaafada Ibraahim Koodbuur ee muddada dheer la khilaafku ka jirey, isla markaana haddii aanay xal degdega keenin wixii dhibaato ah ee meeshaasi ka dhaca iyaga ayaa ka masuul ah. Waxa iyaguna madashaasi goobjoog ahaa  Chief Caaqil Xuseen Jaamac Seed, Caaqi Maxamed C/laahi Ibraahin, Caaqil Yuusuf X. C/laahi, Caaqil Xasan Jirde Aw Cali, Caaqil Cabdi Siciid Aadan, Oday Maxamuud Yuusuf Qoormadoobe, Oday Ina Careef, Oday Aw Xaashi, Oday Maxamed Muuse Indho-cade, Oday Cabdi Xaaji Cismaan.

 Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net