Wax garadka iyo dhalinyarada Bariga Hargysa oo xaal siiyay wasiir Biixi‏

BayaanWaxa aanu xaal ka bixinaynaa hadal ka soo yeedhay ninka qurba jooga ah ee dhawaan sheegtay suldaanka ee la yidhaa Cabdiraxiin Saxardiid Kaahin, oo aan wakiil ka ahayn beesha bariga Hargysa

Anaga oo ka mid ah aqoonyahanka iyo dhalinyarada bariga Hargysa, waxa aanu aad u canbaaraynaynaa nin qurbo joog ah oo dhawaan dalka yimid oo sheeganaaya suldaan aanu ahayn oo aanay beelaha Isaxaaq Care dooran isla markaana markii uu sheekadaas la yimid laga diiday oo markii uu diidayna la xidhay oo beeshu xidhatay, nin waalan tolkii ayaa u miyir qaba.

Waxa aanu halkan xaal ka siinaynaa wasiirka arimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis oo u sharaxan hanashada jagada madaxweynanimada ee xisbiga Kulmiye, waxa aanu halkan ka cadynaynaa in aanu ninkaasi la yidhaa Cabdaraxiin Saxaradiid Kaahin aanu haba yraatee aanu nagu matalin hadalkaasi aan loo meel dayin ee ka soo yeedhay, waxa kale oo aanu beeninynaa in aanu ahayn suldaan Isaxaaq, hase ahaatee uu yahay shaqsi ka mid ah beesha oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.

Waxa aanu la yaabnahay ninka qurba jooga ah ee qurbe ku dhashay kuna soo koray ee aan waligii 2 snadood oo isku xiga ku noolaanin dalka uu maanta uu yidhaa suldaan guud ayaan u ahay dadkii uu dalka ugu yimid, arintaasi oo wax lagu qoslo ah.

Arinta mashruuca Xuunboweyne ee biyaha bariga Hargysa waa mid ka baxsan siyaasada wasiirka, cida xanibtay ee ay u xayirantahayna waa la wada ogyahay cidna kama qarsoona mana aha in lagu xag xagto maxamed Yoonis Biix, arintaasi uu ninkaasi ku eedaynaayo Maxamed Yoonis Biixi waa mid ka mid ah u xog ogaansha laanta ninkaasi haysata waxna haboon in uu dalka degnaado 3 sanadood oo isku xigta oo aanu ka daba ciyin hadba cidii dhaqaaqda.

Hadal iyo dhamaantii waxa aanu leenahay Suldaan soo dhacay inaadeer xishood oo ilahay ka baq oo dadka magacayaga ha ku xag xaganin ee magacaaga isticmaal oo noo daa magaca aad sheeganayso, ee umad dhami leedahay,

Ta kale waxa aanu halkani ka cadaynaynaa in beesha Isaxaaq Care ay ku kala jirto xisbiyada sidoo kale ay kala taageersantahay Maxamed Biixi iyo Muuse Biixi Cabdi  oo ay labadaba  gacmo furan ku soo dhawaynayso.

Teeda kale waxa ka qaldan wiilkan suldaanka u waashay in ayna xiligan beeli waxba dooranyin ee ay gole dhexe wax dooranyaan imnkana ay labada garaba ay kala taageersanyihiin labada musharax.

 

Saalax Xuseen

saalax88@aol.com