Wax-garad iyo Odayaal ka soo jeeda Beesha Bariga Hargeysa oo Raalli-gelin ka bixiyey Hadal ka soo Yeedhay Suldaan Xiiray

Hargeysa (SLpost)- Wax-garad iyo Odayaal ka soo jeeda Beesha Bariga Hargeysa, ayaa baaq ay maanta soo saareen raalligelin kaga bixiyey hadal Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey shalay warbaahinta kaga hadlay muran-dhuleedka Xaafadda Masalaha ee Koonfurta Hargeysa oo u dhexeeya Dadweynaha deegaanka iyo Ciidanka Qaranka.

Deegaanka Masalaha ee Koonfurta Hargeysa oo fadhiisin u ah Ciidanka Qaranka, ayaa muddooyinkii u dambeeyey muran ka dhex-dhaliyey bulshada deegaanka iyo Ciidanka Qaranka, waxaana arrintan si adag uga hadlay Madax-dhaqameedka Beesha Koonfurta Hargeysa oo ku gooddiyey inaanay aqbali doonin lahaanshiyaha iyo ku-takri-falka Ciidanka Qaranka ee dhulkaas, iyaga oo arrinka u dhigayey qaabka beelaysan.

Suldaanka Xiiray oo daba socday hadal Madaxdhaqameed iyo Waxgarad kale ka soo baxay ee ku salaysan Muran-dhuleedka Masalaha, waxa uu bulshada ugu baaqay in la ilaaliyo xeryaha Ciidanka Qaranka iyo sharaftooda isla markaana aan arrintooda laga dhigin mid beeleed maadaama oo ay yihiin karaamadii iyo Xooggii dalka ka difaacayey cadowga.

Haddaba, bayaan ay maanta soo saareen Wax-garad, Odayaal iyo Dhalinyaro ka soo jeedda Bariga Hargeysa, waxa ay sheegeen inay raalli-gelin ka bixinayaan hadalkaas ka soo yeedhay Suldaanka ee ka dhanka ah Beesha Koonfurta Hargeysa.

Bayaankan oo ay ku saxeexan yihiin 16-qof oo isugu jira wax-garadka iyo Odayaasha Beesha Bariga Hargeysa, ayaa u qornaa sidan:- “Haddaanu nahay beesha Bariga Hargeysa, waxaanu raalli-gelin ka bixinaynaa hadalkii shalay 25/01/2015 uu warbaahinta mariyay ee Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ee ka dhanka ahaa beesha Koonfurta Hargeysa ee la xidhiidhay arrinta dhulka Masallaha ee Hargeysa.

Magacyada Odayaasha iyo Waxgaradka baaqan soo saaray:

1-Cali Axmed Qooblow

2-Maxamed Ibraahim Dagaal

3-Maxamed Cabdi Dhuulle

4-Cabdiqaadir Cabdi Xasan Shire

5-Cali Qodax Cigaal

6-Keyse Maxamuud Aw-Buux

7-Xasan Iimaan Geelle

8-Cabdi Maxamed Yuusuf

9-Sidiiq X. Muuse Kaahin

10-Axmed Xaashi Caddaani

11-Yuusuf Xuseen Kaahin

12- Muuse Muxumed Diiriye

13-Ibraahim Cali Caddaani

14-Maxamed Cali Ducaale

15-Maxamed Yuusuf Jaamac

16- Ismaaciil Cumar Faarax

Iyo qaar kale oo aan magacyadooda la soo koobi Karin.”