Wasiirudawlaha Nabadeeynta iyo Horu Marinta Goboladda Bari Oo Baaq Qaylo Dhaan ah U Diray Hay,adaha Caalamiga ah Iyo Xukuumadda Somaliland Abaaro Ba,an Oo ka jira goboladda bariga

Hargeysa(SLPOST):Wasiirul dawlaha nabadaynta iyo horu marinta gobolada bariga Somaliland Cali Maxamuud Axmed(Cali Sandule) ayaa baaq culus ka soo saaray abaar baahsan oo uu sheegay inay saamayn balaadhan ku yeelatay gobolada bariga somaliland.

images (7)

Cali Sandule oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa waxa kale oo uu sheegay in shaqaaqooyinka ka dhaca gobolada bariga Somaliland ay xukuumadu diyaar u tahay inay ku soo af jarto wada hadal iyo si nabad galyo ah.

Ugu horayn wasiirul dawlaha nabadaynta iyo horu marinta gobolada bariga Somaliland Cali Maxamuud Axmed(Cali Sandule) oo ka hadlaya abaaraha ka jira gobolada bariga Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Waxa lagu guda jiraa xili xun oo abaar ah gobolada bariga oo dhana way ka jirtaa, waxaanan ku baaqayaa in

gargaar hay’addaha caalamiga ah,kuwa NGO-yada ah iyo dawladaba waxaan ugu baaqayaa inay gargaar deg ah la soo gaadhaan dadka gobolada bariga, lana soo gaadhaan biyo dhaamis,raashin iyo wixii wax qabad ah ee kale.”

Sidoo kale wasiirul dawle Cali Sandule waxa uu sheegay inay xukuumadu diyaar u tahay inay wada hadal ku dhamayso khilaafaadka jira waxaanu yidhi “Waxaan rajaynaynaa oo aan ku guulaysan doonaa iyada oo aan wax dhibaato ahi jirin inay wax waliba ku dhamaadaan nabad iyo as afgarad,Somaliland-na diyaar uma ah inay dhibaato iyo mushkilado abuurto mar walbana waxay diyaar u tahay inay nabada ka shaqayso, cid kasta oo dhibaato ka sheekaynaysana dan kama lihin,wax walbana waxaanu ku dhamayn doonaa nabad, wada hadal iyo ceeb la,aan.”

Ugu danbayntiina wasiirul dawlaha nabadaynta gobolada bariga Somaliland waxa uu sheegay inuu dhagax dhigi doono xafiis cusub oo wasaaradiisu ku yeelan doonto magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.