Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Oo Xilkii U Kala Wareejiyay Afhayeenka Cusub Iyo Afhayeenkii Hore (SAWIRRO)

 

Hargeysa (SL.Post) Munaasibad Balaadhan oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay xilka kula kala wareegeen Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Mudane Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax) iyo Afhayeenka Madaxtooyada JSL, Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr) una kala wareejiyey Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees.

 

Xafladan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay wasiirka wasaaradda Wershedaha Shucayb Maxamed Muuse, oo halkaasi hadallo ka jeediyey ayaa ku dheeraaday aqoonta iyo kartida ay labadaa afhayeen ee isbedelay u leeyihiin shaqada Afhayeenimo, sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha habmaamuuska Madaxtooyada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim (Saqadhi) iyo Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha Madaxtooyada, Saacid Cabdi Ciise, waxanay iyaguna iska daba maray wada shaqaynta ay hore ula soo yeesheen labadan afhayeen ee xilka kula kala wareegayey maanta.

 

Afhayeenkii hore ee Madaxtooyadda Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax) oo khudbad ka jeediyey munaasibada xil wareejinta waxa ka mid ahaa hadaladiisa” Waxaa xafiiskan la yidhaahdaa xafiiska saxaafada Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, xafiiska uu afhayeenku madaxda ka yahay waa kaa, ma jiro haba yaraatee shaqo saxaafadeed oo ka baaqatay muddoa 7-bilood ahayd oonn anigu joogay haday habeen, gelin danbe iyo haday gelin hore soo dhacdo wax shaqo ahi waanad nagula xisaabtami kartaa, saxaafaduna waxay ku fiican tahay hal qodoboo iyadu dheriga ay kariso saxaafadu iyo shaqada ay qabato makhraati bay leedahoo hadaad igu tidhaahdo bishii saddexaad aad joogtay jaraa’idkii soo baxay soo saar si aan u garto inaad shaqaynayseen waan soo saarayaa markaa shaqo nagu baaqatay haba yaraatee ma jirto waana kaydsan yihiin qoraal iyo codba habeen iyo dharaar way kaydsanyihiin si mihnadaysan oo (Professional) ah, Afhayeenka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa uu madaxweynuhu yidhi afhayeenka madaxtooyada JSL, baa la yidhaahdaa anigu waxan ku shaqaynayey intaan halkan joogay inaan noqdo afhayeenka madaxtooyada somaliland, Waxan annagu shaqaynay oo aan ku faanaynaa waa laga yaabaa shamax ma guuluu sheeganayaa maya gidaaro maanu dhisin annagu diyaaradana maanu kicin doonyana maanu kaxaynin, laakiin shaqadayadii uun baan ku faanaynaa in aan qabanay”

“Madaxweynaha JSL wufuud baa u timaada dibada ka timada xafiiska afhayeenka oo waliba afhayeenka ayaa awood u leh shirka madaxweynuhu la gelayo diblumaasiyiinta shisheeeye waanu la geli jirnay waan kasoo warami jirnay warkaasna dadka annagaa gaadhsiin jirnay oo awood u lahayn keligayo hadaanu nahay xafiiska afhayeenka, waxa u danbeeyey masuulkii agaasimaha guud ee Inter Peace ahaa”.

“Waxaan ka qeyb qaadanay oo aanu iyadana caan ku noqonay heshiiskii ay dawladdu la gashay shirkada DP World, ayuu xafiisku aad uga shaqeeyey ilaa nin masuuliyiinteena ka tirsan oo halkan joogaa igu yidhi maalin markaan xasuusto DP World iyo heshiiska dhexmaray dawladeena xafiiska afhayeenkuna maskaxdayda wuu kusoo dhacaa sidaad wax uga qorteen taasna aad baan uga shaqaynay, waxa kale oo aan noqonay annagu halka war laga helo maadaama halkani halkii dalka ugu saraysay ay tahay meesha war laga helo ee ugu caansan dalka ayaan noqonay, Waxa kale oo noo hirgalay xidhiidh wanaagsan oo aanu la yeelano saxaafadda oo noo hirgashay oo saxaafadu ma dhib yar, Insha Allaah waxaan rajaynayaa inaan noqonay kuwii xafiiskaa wax kusoo kordhiyey, siyaalaha aad xafiiska wax ugu soo kordhin karto waxaa ka mida waa inaad dadka shaqaalahaaga ah aad wax la raadsataa sidoo Capacty-ga iyo meesha loo dhisi lahaa hay’adda la yidhaahdo ASI tababaro ayey na siisay shaqaalahayaga ayey tababaro siisay afhayeenka xafiiska ayey tababar siisay waxana noo balan ahaa in tababaradaasi noo sii socdaan aadna waan ugu mahad naqayaa idinka hortiina”

 

“Shaqada xafiiska afhayeenka waa afar iyo labaatanka saacadoodba tobadaba cishabada way shaqeeyaan goor walba waa lagu yeedhaya, goor walba shaqaa taala shaqadu aad iyo aad bay u badan tahay, shaqada xafiiska afhayeenku arrin kalena way leedahoo waa shaqo aad u xaasaasi ah ama madaxtooyadii ku diratay ayaa shaqaday kuu diratay ka gaabinaysa dabadeedna halkaa waxaa kaga soo kordhaysa culays ama Axsaabta mucaaridka ah dhinacooda culays kaga imanayaa oo kaa eed sheegan kara ama saxaafadda ayaa kaa eed sheegan karta, xafiiska afhayeenku madaxtooyadu waa meel markaan qiimeeyey anigu aad iyo aad u xaasaasi ah, dadbaa had iyo jeer jecel baan is idhi inay xafiiska ka hawl galaan laakiin waxaan ogaaday war la’aan baa col hoddee xafiiska shaqada taalla ayaanay ka warhaynin “.

“Haduu Shamax afhayeen wanaagsan ahaa nimankaa yar yar ee uu madaxda u yahay Naasir, waxaanu ahayn team aad iyo aad u fiican oo is fahmay, inta badan shaqaale iska yara masuul baan ahaan jiray waax baan xukumi jiray madaxtooyada horteed maan arag meel markaan soo galaba la yidhaahdo mudane ama (Sir), wada shaqayn fiican oo midnimo ah ayaa naga dhaxaysay runtii, shaqaalahaan wareejinayaa waa 13-qof kuwaasoo ka hawlgala xafiiska afhayeenka, waxa kale oo aan wareejinayaa saddex xafiis, hal gaadhi oo Laanguruuser (Land cruiser)ah ayaan wareejinayaa gaadhigaa waliba waan ku dhaadanayaa, waxaan imi iyadoo aan xafiisku gaadhi lahayn waxaan idhi gaadhigaa hala keeno sababtoo ah suuro gal may ahayn in shaqaalahayagu marka ay baxayaan madaxweyanaha raacayaan ama madaxweyne ku xigeenka inay gawaadhida kale raacaan” Af-hayeenkii hore ee Madaxtooyada JSL.

Afhayeenka Cusub ee Madaxtooyada Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo halkaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibada uu xilka kula wareegayey, ayaa yidhi “ Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaan idinku salaamayaa Salaanta Islaamka, waxaanan idiinka mahad-celinayaa ka soo qaybgalka Xafladdan Xil-wareejinta.

Ugu horraan waxaan M/weynaha Jam. Somaliland Mudane Ahmed Maxamed (Silaanyo) si mug iyo maamuusba leh ugaga mahad-naqayaa kalsoonida uu i siiyey ee uu mar kale iigu magacaabay Xilka Afhayeenka Madaxtooyada.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin; sida aad la socotaan, muddo gaaban gudaheed waxa la iga bedelay Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga waxana la igu soo celiyey Xilka Afhayeenka Madaxtooyada. Taa macneheedu maaha casilaad ama hoos-u-dhigid, aniguna qof ahaana sidaa uma arko. Dhinaca kale, beddelkaygu salka kuma hayo saluug, xil-gudasho la’aan ama dhalliilo xaggayga ka jira. Laakiin, duruufaha siyaasiga ah ee ka jira dalkeenu waxay u baahan yihiin maarayn, tanaasul iyo dulqaad. Haddii ay lagama maarmaan noqoto in adiga lagugu ciiro, taasina ay ku jirto danta Qaranka iyo maslaxadda ummaddu, dabcan waxa wacan inaad muujiso bisayl iyo go’aan qaadasho siyaasi ah oo aad dan-wadareedka Qaranka kaga hor marinayso dantaada gaarka ah iyo hanka siyaasiga ah ee aad leedahay.

Mudanayaal iyo Marwooyin; Hadafka iyo himilooyinka siyaasiga ah ee aniga i hagaa kuma salaysna Kursi doon iyo Kala jeclaysi aan ku kala xulanayo masuuliyadaha Qaranka. Madaxweynuhu isagaa hore iigu magacaabay Xilka Af-hayeenka Madaxtooyada, isagaa ii gartay inaan noqdo Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga, haatana (wada-tashi iyo talo gelin uu Madaxweynuhu ii soo bandhigay kaddib) isagaa ii soo jeediyey inaan dulqaato, isagaana lagama maarmaan u arkay inaan noqdo Af-hayeenkiisa oo aan mar labaad ku soo noqdo Xarunta Madaxtooyada oo ah halbowlaha ugu muhiimsan ee laga hago hawlaha baaxadda leh ee Qarankeena. Waxaan jecelahay inaan halkan ka xuso oo aan ka iftiimiyo, ka hor intii aanay soo bixin isku-shaandhayntu, Madaxweynuhu wuu ila tashaday, waxaanan u arkaa in uu i qiimeeyey oo uu i sharfay. Sidaa darteed, Madaxweynaha waxaan si milgo iyo qadarinba leh mar kale ugaga mahad-naqayaa kalsoonida iyo karaamada uu i siiyey ee uu dib iigu magacaabay inaan noqdo Af-hayeenkiisa. Waxaan leeyahay: “Madaxweyne si kalsooni leh ayaan ugu qanacsanahay talada aad ii soo jeedisay, si niyadsami leh ayaanan kaaga mahad-celinayaa fursadda aad i siisay inaan qayb ka noqdo legecy-gaaga iyo dhaxalka taariikhiga ah ee aad ummaaddaada uga tagayso.”

Xafiiska Af-hayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada iyo Muhimadda uu Qaranka u leeyahay Gudbinta dareenka, farriimaha iyo aragtiyaha Hoggaamiyaha Qaranka iyo Madaxda kale ee Xukuumaddu waa arrin muhiim ah oo u baahan in si qoto dheer oo miisaaman loo qorsheeyo loona gudbiyo. Xafiiska Af-hayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyadu waa waax muhiim ah oo ka mid ah Xafiiska M /weynaha JSL. Waa barta laga hago isla markaana laga gudbiyo Xogaha iyo Farriimaha muhiimka ah ee ay Xukuumaddu hayso ee ay u gudbinayso bulshada, gudaha iyo dibeddaba. Xafiiska Af-hayayeenka Madaxtooyada waxa la odhan karaa waa Codka Rasmiga ah ee ku Hadli kara Afka Xukuumadda, wuxuuna laf-dhabar u yahay gudbinta iyo hirgelinta wararka muhiimka u ah hawlaha Qaranka.

 

Haddaba, marka la eego baahiyaha waaweyn ee uu Qaranku u qabo in la helo Xafiiska War-baahinta Madaxtooyada oo tayo leh, waxa daruuri iyo lagama maarmaanba ah in dib-u-qiimayn, dib-u-habayn iyo dayactir dhammaystiranba lagu sameeyo qaab-dhismeedka iyo hannaanka hawl gal ee Xafiiska War-baahinta Madaxtooyada (xag maamul, shaqaale iyo xagga qalabkaba). Xafiiska Af-hayeenka iyo Warbaahinta Madaxweynaha oo dib-u-habayn lagu sameeyo tayadiisana la horumariyo, waxaan aaminsanahay inay horseedi karto:

  1. In Xukuumaddu ay si sahal ah u gudbin karto himilooyinkeeda iyo hadafkeeda siyaasadeed.
  2. In Xukuumaddu ay si kalsooni leh u difaaci karto guulaha iyo wax-qabadka ay ku tallaabsatay, bulshadana ay ugu fasiri karto si fudud oo ay fahmi karaan.
  3. Xafiiska Af-hayeenka iyo Warbaahinta Madaxweynaha oo la tayeeyo wuxuu abuuri karaa jawi ku dhisan is-fahan iyo xidhiidh wanaagsan oo u dhexeeya Xukuumadda, Shacabka iyo Saxaafadda, taasina waxay kor u qaadi kartaa kalsoonida ay shacabku ku qabaan Xukuumada iyo nidaamka Dawliga ah.
  4. Xafiiska Af-hayeenka iyo Warbaahinta Madaxweynaha oo la tayeeyo wuxuu Xukuumadda u sahli karaa inay gudbin karto xog urursan oo tayo leh oo dhinac u wada jeeda, oo aan lahayn hadallo is-burinaya, taasina waxay soo af-jari kartaa wararka been abuurka ah iyo dacaayadaha laga fidiyo Xukuumadda.
  5. Xafiiska Af-hayeenka/ Warbaahinta Madaxweynaha oo la hagaajiyo wuxuu suurto galin karaa in la ururiyo oo la isu-dubarido taariikh nololeedka mugga weyn leh, raad-raaca himilooyinka iyo aragtiyaha siyaasadeed ee Hoggaamiyaha, si dabadeed loo sameeyo kayd-taariikhi ah oo dhammaystiran oo ummaddeena u noqon kara dhaxal waara iyo bar-tilmaameedba.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin; xilka iyo masuuliyaddu heer kasta oo ay yihiinba, maaha kuwa dhaliya ama keena isbeddelka loo baahan yahay!! Qofka xilka loo igmado ayaa ah ka la yimaadda isbeddelka looga baahan yahay in laga hirgeliyo hawshaa masuulka looga dhigay.

Guntii iyo geba-gabadii, anigoo isku xidhaya gar-gaarka ALLAH, waxaan ballan qaadayaa in aan Xilkaa uu Madaxweynuhu ii igmaday aan u gudan doono sida ugu haboon. Waxa kale oo aan ballan qaadayaa inaan ku shaqayn doono isla markaana aan fulin doono hadafka iyo himilada ay leedahay Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay M/weyne Ahmed Silaanyo taasoo ah in masuul kasta oo xil loo magaacabay, heer kasta oouu yahayba, uu la yimaado qorshe iyo jaangooyo cad oo uu ku beegsanayso horumar la taaban karo oo ummadda faa’iido u leh”. ALLAA MAHAD IYO MUDNAANBA LEH,

Ugu dambayn waxa halkaasi ka hadlay soona Xidhay munaasibada xilalkiina u kala wareejiyey labadaasi masuul wasiiru-dawlaha madaxtooyada ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees, waxa hadaladiisi ka mid ahaa “Masuuliyiinta uu ugu horeeyo wasiirka wershadaha Mudane Shucayb iyo masuuliyiinta kale ee ka soo qaybgalay munaasibada xilwareejinta iyo Agaasimeyaasha Madaxtooyada dhamaantiinba waxa aan idin leeyahay Alle Xafladan haynooga dhigo mid khayr keeda leh, Intaa ka dib maanta munaasibadani maaha sagootis ee waa soo dhawayn oo labaduba madaxtooyadii uunbay ka tirsan yihiin meel kale oo ay inaga tageena ma jirto ee hawshii uunbaa sidan laysugu kala bedelay, Deyr hadaan ku noqdo labadii xil ee uu marna afhayeenka ahaa marna Wasiirka ahaa, waxa ka weynaa xil kale oo aanu ku magacawnayn balse uu madaxtooyada uun la hayey kaasoo ahaa qoraa buu ahaa ninkani, saxaafadda caalamka mid dibadeed iyo mid gudeedba hawl adag ayuu halkaa ka hayn jiray oo aan anigu weliba qabo inuu kaga wada firfircoonaa labada masuuliyadood ee uu hayeyna oo nin ka muuqanayey uu ahaa, hawlahaa la aajigeed waa kuwa keenay maqaankan uu maanta taagan yahay uu yimaado, xuseen wuu ilaaway ee annagaa u xasuusinayna. Shamax Annagu waanu soo wada shaqaynay halkan uun kamaanu soo wada shaqayn uun aniga iyo Maxamuud Xaashi Cabdi wasiirka Madaxtooyada annagoo niman dhalin yaro ah Baarlamaanka goodirka ayuu shamaxna saxaafadda joogay waa dhawr iyo toban sano ka hor markaanu xildhibaanada ahayn, wuxuu ahaa weriyeyaashii ugu firfircoonaa (Active)sanaa ee nala shaqaynayey wakhtigaa oo xaaladuhuna aad u adkaayeen colaado sakeeyana ay hurayeen oo ay hawshu adkayd, raggii nagala shaqaynayey ee saxaafada ugu dhiiranaa ee sida saxa ah u dhigayey wararka ayuu ahaa, Maanta Kow ima ah shaqadan maanta uu hayeyna nin aad u degan oo oday ah oo qiimi leh oo sidaa uu isaguba sheegay shaqaaluhu ay soo dhaweeyeen qof walibana waxa uu ku hawlgalaa dabcigiisa, wixii uu la yimaado ayuunbay dadkuna ku qiimeeyeen oo ay kula socdaan.

Goobtan aynu joognaa waa madaxtooyadii waxanan uga faaiidaysanayaa kelmed aan shaqaalaha dhamaantiiba leeyahay madaxtooyadu waa halkii dalkaba looga talinaayey Inanka iyo Innanta ka shaqeeyaa, shaqaalaha kale waxbay ka duwan yihiin waxay ka duwan yihiin haybad, sir wax la yidhaahna way ka duwan yihiin waana inay ogaadaan inay haybadii qaranka sitaan talaabadeedii iyo codkeedii in laga helaa meesha ayey ku jirtaa weliba waxan kula talinayaa goobaha ay marayaan iyo socdaalada ay soconayaan markaad madaxtooyada ka tagtaan waxad tihiin bartilmaameed la higsanayo, duruufaha siyaasadeed way wada adag yihiin waxa lagaa doonayaa inaad meel walba oo aad tegaysaa ku baydhsanaato oo ay qiimigeeda ku yeelato, sababtoo ah (For Security) ayaan anigu taa idinku sheegayaa.

Intaa ka dib waxan leeyahay wasaaraddan Madaxtooyadu deyrow kuguma cusuba, shamaxna waxa uu inoo tegay dhinaca sharciga oo uu muddo badanba uu ku jiray hadana uu master tii dhamaynaayo, afhayeenka cusubna waxan leeyahay xafiisku waa xafiiskaagi horena waad u soo maamushay maanta waad la wareegtay sidaa awgeed wakhtigu waa wakhti adag wixii xafiiskaaga ka dhiman waanu dhamaystiraynaa insha Allaa ”

Dhinaca kale wasiiru dawluhu waxa uu shahaado sharaf ay ugu tallo galeen shaqaalaha Xafiiska Afhayeenku afhayeenkii hore ee xilka wareejiyey Mudane Shamax uu gudoonsiiyey.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa