Wasiirro Xukuumadda ka tirsan oo ka qayb-galay Furitaanka Carwo lagu soo ban-dhigayo Farsamada Gacanta

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaarada maaliyadda  Mud, Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ay weheliyaan Wasiiradda Warfaafinta Mud. Cabdi Yusuf  Ducaale, Kalluumaysiga Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) Ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal iyo wasiir ku xigeenka  wasaarada waxbarashada Mudane Cali Xaamud Jibriil ayaa maanta   furay Carwada  farsamada  gacanta  oo lagu soo bandhigay  Hoolka Hay’adda shaqaalaha Dawladda ee Hargeysa.

Waxa  ugu horayn furitaankii Carwadan ka hadlay wasiirka kaluumaysiga Cabdilahi  Jaamac Cismaan,waxaanu sheegay in ay  far-xad weyn leedahay  in dhalinyarada Somaliland ay soo bandhigaan carwadan farsamada gacanta.isaga oo wasiirku  xusay  in ay  carwadani  tahay mid  keenaysa isku kalsoonaan iyo wax-wada qabsi  bulshada Somaliland dhexdeeda ah, isagoo intaas ku daray in  haddii  dhalinyarada la baro farsamooyinka gacanta ay  keenayso horumar  la taaban karo in lagu talaabsado.

Wasiir ku xigeenka wasaarada wax-barashada iyo Tacliinta Sare  Cali xaamud Jibriil oo isna halkaasi ka hadlay,  ayaa waxa uu sheegay in ay xoojinayaan  wax-barashada dugsiyada farsamada gacanta ee Hargaysa iyo Burco.

Wasiirka wasaarada maaliyadda  Mud, C/casiis Maxamed Samaale, oo si rasmi ah xadhiga uga jaray carwadaasi  ayaa sheegay in wax soo saarka dalkeena in sidan oo kale loo soo bandhigo ay ah-miyad weyn leedahay,waxaanuu u mahad celiyey Hay’ada SAVE The Children .isagoo tilmaamay in wax- soo saarka farsamada  gacanta  ay yihiin tabaha  keena horuumarka bulsho, taasoo ay hormuud u yihiin aqoon yahanada wax-bartay.

Waxaa kale oo madashii furitaanka Carwadan ka hadlay Qaar ka mid ah Ganacsatada dalka oo tilmaamay In horumarka dalka ka jiraa uu yahay ka suurto galiyay in carwo noocan oo kale ah lagu qabto Somaliland .

Dhinaca kale waxaa carwadan garab socotay mid kale oo lagu soo bandhigayay agabka hidaha iyo dhaqanka u ah bulshadeena sida cawsaska aqal soomaaliga laga sameeyo iyo ashyaa’da loo adeegsan jiray cuntada, oo ay soo diyaariyeen Ururka Dhaqanka ee Tawfiiq.

SLpost News/Hargeysa