Wasiirro ku fashilmay xallinta beelaha Sanaag oo Xukuumaddu u dirtay iyo cabsida Isku dhac laba beelood

Hargeysa, 05 September, 2011(Ogaal)- Dadweynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa lagu soo warramayaa inay aad uga wel-welsan yihiin xaaladda nabadgelyo ee deegaankaas, ka dib markii ay muuqatay sansaan colaadeed oo la sheegay oo ka dhalatay laba beelood oo dhawaan Taliyihii Saldhigga Daalo ee Ceerigaabo lagu dilay magaaladaas.

Xiisadda laga wer-war qabo ayaa la sheegay inay timi ka dib markii ay Beelaha ninka laga dilay dalbatay in la soo qabto Gacan-ku-dhiiglihii dilka geystay oo baxsaday, halka la sheegay Beesha ninku ku dhintayna inay arrintaas ka caga-jiidday oo aanay weli Ergadii laga sugayey soo gaadhin Ceerigaabo. Warku wuxu intaa u darayaa in labada Beelood ee dilku ku kala yimi mid waliba dhinaceeda dagaal isugu abaabushay, isla markaana Beesha Naalleeye Axmed ee Dhulbahante oo ah beesha ninku ku dhintay ay Baabuur Tigniko ah iyo Ciidan-beeleed soo dhoobtay duleedka dhinaca Bari ee Sayladda Xoolaha magaalada Ceerigaabo, halka Beesha Muuse Ismaaciil ee Habar-yoonis ay iyaguna Ciidan-beeleed isugu soo ururiyeen meesha la yidhaahdo Tuurta Shiid ee Galbeedka magaalada Ceerigaabo. “Labada Beeloodba Ciidan iyo Tigniko ayey isu soo urur-sadeen, qolo waxay illaa labaataneeyo Tigniko iyo Ciidan-beeleed keeneen Duleedka Sayladda Ceerigaabo, halka qolada kalena ay illaa siddeed Baabuur oo Tigniko ah iyo Ciidan-beeleed fara badan ku soo ururiyeen Tuurta-Shiid ee Galbeedka Ceerigaabo…” sidaa waxa yidhi Weriye ku sugan magaalada Ceerigaabo oo Ogaal arrintaa wax ka weydiiyey.

Hase ahaatee, si aannu wararkaas xogo dheeraad ah uga helno waxa uu Wargeyska OGAAL xalay khadka Taleefanka wax kaga weydiiyey arrintaas iyo guud ahaanba xaaladda ammaanka magaalada-ba Badhasaabka Gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre. “Adeer wararkaa aad sheegayso waxba kama jiraan waa warar aan sal iyo raad toona lahayn oo ku-tiri-ku-teen ah. Annaga ayaa ah maamulkii gobolka wax dhibaato ah oo Ceerigaabo gudeheeda iyo dibaddeeda xilligan ka taagani ma jiraan, waana nabad oo nabadgalyo ayaannu joognaa.” Sidaa ayuu ku jawaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo la weydiiyey bal waxa ka jira wararka sheegaya in labada beeleed oo dilku ku kala yimi isu soo hub-urursadeen.

Hase-yeeshee, Cali Cabdi Hurre, oo la sii weydiiyey inay jirto cabsi badan oo dadka magaalada Ceerigaabo iyo guud ahaanba gobolku ka qabaan in dagaal labadaas beelood u dhexeeyaa qarxo, cabsidaasina ay timi ka dib markii ay dadku sida la sheegay arkeen Baabuur Tigniko ah iyo Ciidan-beeleeddo ay labada dhinacba soo diyaarsadeed, ayaa waxa uu ku jawaabay; “Horta nabadgalyada magaalada iyo guud ahaanba gobolku way fiican yihiin oo xaaladdu way deggan tahay, laakiin cabsidu way jirtaa, hase ahaatee, annaga ayaa maamul ahaan iyo Ciidammada amniga ayaa la soconna dhaqdhaqaaq kasta oo la isku dayo in la sameeyo, Tigniko iyo ciidan beeleed laba dhinac isu soo urursadeenna waa wax weyn oo wax na hoos mari kara maaha, waa laga yaabaa in qof cabsooday uu qori qaadan karo si uu isu ilaaliyo, laakiin warkaasi wax jira maaha oo Tigniko iyo Ciidan-beeleed la isu soo urursadayna ma jirto.”

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre, oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay labada beeleed ee dilku ku kala yimi diideen inay aqbalaan Guddi 26 Xubnood ah oo dhammaadkii Ramadaan loo dhaariyey inay soo afjaraan arrinta beelahaas, waxa uu yidhi; “Ma jirto taasi, oo labada Beeleed mid diidday ma jirto Beesha ninka laga dilay way aqbashay, beesha dilka geysatayna way soo socotaa oo Ergadii ay arrintaa u soo diraysay Berri (Maanta) ama Saaddambe ayey soo gaadhayaan Ceerigaabo, cid Guddigaa diidday oo labada beelood ka tirsan oo aannu ognahay annagu ma jirto.”

Dhinaca kale, Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale, oo ka mid ah Madaxda Dhaqanka ee arrintaa labada beelood dhexdhexaadinta ka wada, ayaannu sidoo kale, isla xalay khadka taleefanka wax kaga weydiinnay jiritaanka warka sheegaya in sansaan colaadeed laga dareemayo labada beelood ee dilku ku kala yimi oo ay isu soo ciidan urur-sadeen? Waxaanu Suldaan Siciid oo su’aashaa ka jawaabayaa yidhi; “Warar badan oo ku-tiri-ku-teen ah oo la isla dhexmarayaa way jiraan, laakiin war lagu kalsoonaan karo oo aannu idinka siin karnaa ma jiro. Laakiin, waxaannu ognahay in Beesha Muuse Ismaaciil Odayaashoodii iyo Madaxdoodiiba aannu la joogno oo aanay wax abaabul dagaal ah wadin ee aannu annagu inay hadlaan iyo inay dhaqdhaqaaq sameeyaanba ka Odayaal ahaan u diidnay, Beesha Naalleeye Axmed-na aannu Ergadoodii iyo Odayaashoodii sugayno oo ballantii u dambaysay ee aannu kala qaadannaa ahayd waannagaa soo ambabaxnay, markaa iyagana Ergadooda Berri (maanta) ama Saaddambe ayaannu sugaynaa inay Ceerigaabo soo gaadhaan.”

“Cid labada beelood ka mid ah oo Guddiga dhexdhexaadinta ku gacan-saydhayna ma jirto, wax colaad iyo abaabul dagaal ah oo la wadaana ma jiraan. Laakiin, markay wax dhacaan waxaan jirin ama loo fadhiyin ayey dadkeennu ka sheekeeyaan, markaa ammaanka magaaladuna wuu fiican yahay oo Ciidammada Booliska iyo Millateriguba magaalada way joogaan oo iyaga ayaan nabadgalyada ilaalinaya Annaguna Madax-dhaqan ahaan waannu ku garab-taagannay inay dadku ammaankooda ilaashadaan.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale.

Magaalada Ceerigaabo oo ay dadka shicibka ah ee ku nooli kuu tibaaxayaan inay ka wel-welsan yihiin inay labadaa beelood ku diriraan oo ammaanka hoos u dhac ku yimaaddo, ayaa waxa ku sugan Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, isla markaana ay Xubno ka yihiin Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Warsame Siciid Cabdi iyo Xildhibaanno Baarlamanka ka socda, kuwaasoo ujeeddada ugu weyn ee ay Sanaag u tageen ahayd inay arrintaa labada beelood wax ka qabtaan, ayaa u muuqda kuwo ku fashilmay hawsha xalkeeda loo diray, isla markaana la sheegay inay ku mashquulsan yihiin inay maalinba meel yar oo wax laga dhisay xadhigga ka jaraan. Waxaana la sheegay inaanay labada beelood mid ka mid ahi wax kalsooni ah ku qabin in Weftiga Xukuumadda ka socdaa arrintooda faro-geliyo.

Xigasho: Ogaal