Wasiirro Ka Warbixiyay Halka Uu Marayo Mashruuca Biyo Balaadhinta Magaaladda Burco

Burco, (SLpost)- Kulan balaadhan oo lagaga wada hadlayo biyo balaadhinta Burco oo ay ka qayb galeen Wasiirro Maamulka gobolka Togdheer iyo degmada Burco masuuliyiinta wakaalada Biyaha ayaa lagu qabtay xarunta gobolka Togdheer ee Burco.wasiirro

Wasiirrada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire,Wasiirul dawlaha Maaliyadda  Cismaan Cabdilaahi  Saxardiid(Caddaani) Wasiirul dawlaha  Wasiirul dawlaha khayraadka Biyaha Cabdisalaan Maxamed Cali  iyo masuuliyiin kale oo kulankaa ka qayb  galay ayaa dhammaantood sheegay sida loogu  baahan  yahay isla markaana ay qaran ahaan muhiimka u tahay in biyo balaadhinta Burco la hir-galiyo.

Ugu horayn waxa ka hadlay Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Dr  Sacad Cali Shire, ayaa  sheeegay in mashruucani uu yahay mid faa’iido u leh bulshadda Burco isla markaana aanu sanduuqa horumarinta Somaliland aanu kalii taageerin biyo balaadhinta ee uu taageero mashaariic kale oo fara badan uu ka taageero gobolkan ayna socdaan  waxaana uu yidhi ”Mashruucan SDF wuxuu ka kooban yahay seddex qaybood, qaybta koowaad waxa weeye 14KM oo beebab oo la dhigayo, qaybta labaadna waa laba taangi oo waaweyn oo min 100 mitir  kuyuubik ah, qaybta seddexaadna waxa weeye mishiinadiii ka soo saari lahaa biyaha ceelka oo laba ah, kharashka ku baxay mashaariicdaas qiyaas ahaan waxa weeye sagaal boqol oo kun oo Doolar, sanduuqa Horumarinta Somaliland ma maal-galiyo mashruucaa biyaha oo kaliya gobolka Togdheer laakiin waxa jirta mashaariic kale”.

Wasiirul dawlaha Khayraadka biyaha Somaliland ayaa dhankiisa caddeeyay in aanay jirin wax caqabado ah oo hor taagan mashruura biyo balaadhinta Burco.  “Wax caqabada ama  dhibaato ah oo ka jira habsami u socodka mashruucan illaa imika  ma jiraan waanu sii socon doonaa IILAAHAY  idankii, markuu dhammaadana waxaan rejaynayaa in magaalada Burco ay jiho walba biyo ku filan   ay heli doonto haddii ALLE yidhaahdo.”

Dhinaca kale waxaa iyaguna   hadlay biyo  balaadhinta Burco iyo muhiimada ay leedahay Wasiir dawlaha maaliyada  Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani, duqa magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan iyo gudoomiye ku xigeenka gobolka togdheer Maxamed Diiriye Xayd oo dhammaantood  caddeeyay in ay qaran ahaan ka go’antahay   hirgelinta mashruuca biyo balaadhinta Burco.