Wasiirro ka tirsan Dawladda Somaliland oo ka qayb-galay shir ballaadhan oo ay ku kulmeen waddamada ku jira Urur-goboleedka IGAD iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha Horumarka ka taageera

[A]ddis Ababa (SLpost)- Wasiirrada Arrimaha Debadda,Gudaha iyo Qorshaynta Qaranka Somaliland ayaa ka qayb galay shir maanta Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ugu qabsoomay waddamada ku jira Urur-goboleedka IGAD iyo qaadhaan bixiyayaasha ka taageera Arrimaha horumarka.
Shirkan oo ahaa mid ay isku wajahayeen Somaliland iyo qaadhaan bixiyayaasha caalamiga ah ee maalgaliya urur goboleedka IGAD, ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo madashaas ammaan ballaadhan uga soo jeediyay guud ahaan Qaadhaan-bixiyayaasha adduunka ee Somaliland ka kaalmeeya mashaariicda horumarineed, waxaanu sheegay in xukuumada Somaliland ay marwalba soo dhawaynayso cid kasta oo wax kala qabata baahiyaha gaarka u ah ee ay tirsanayso.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar isla markaana hogaaminayay weftiga ka socda Somaliland ayaa isaguna mahadnaq u soo jeediyay mas’uuliyiintii kulankaasi ka soo qayb galay, waxaanu wasiirku uga warramay waxyaabihii u qabsoomay dawlada uu ka tirsan yahay muddadii ay hogaaminta qaranka hayeen. Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay inay wada-shaqayn dhow leeyihiin urur goboleedka IGAD isla markaana ay mar walba la kaashanayaan wixii khibrad iyo waayo-aragnimo ay uga baahdaan.
Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin oo madasha shirka ka hadlay, ayaa sheegay in urur ahaan ay la dhacsan yihiin guulo faro badan oo dawlada Somaliland ay ka gaadhay dhinacyada horumarka iyo maamul-daadejinta, waxaanu xusay in aragtida urur goboleedkoodu ay tahay mid ay ku sii adkaynayaan waxyaabaha ay ummada Somaliland higsanayso.
Kulankan waxaa ka qayb qaadanayay oo kale ku dhawaad labaatan dublamaasi oo fadhigoodu yahay magaalada Addis Ababa isla markaana ah kuwa maalgashada Qaaradan Afrika.
Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo ka tirsan urur-goboleedka IGAD ayaa wakhti ay weftigan wasiirrada Somaliland ku sugnaayeen dalkaasi maalintii shalay ahayd, waxa ay si cad shaaca uga qaadday inay Somaliland kala haw-galayso ka-mid noqonashada xubnaha ku jira urur-goboleedka IGAD.

SLpost News/Hargeysa