Wasiirro isku bahaystay Xaflad lagu Sagootiyay Arday ka baxday Dugsiga Sarre ee Jiil Al-Jaliil

Hargeys (SLpost)-Wasiiradda Wasaaradaha Madaxtooyada, Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda iyo Ganacsiga iyo Masuuliyiin kale, ayaa isku bahaystay inay maanta ka qayb galay xaflad lagu sagootiyay ardayda dugsiga Jiil Al-Jaliil oo guulo ka soo haysay imtaxaamadii shahaadiga ahaa ee dugsiyada hoos yimaada hay’ada Geeska Afrika.

 Xafladaasi oo si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay huteel Kaah ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa halkaasi ka hadlay wasiiradda wasaaraha madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan, Kalluumaysiga Cabdillaahi Cismaan (Geel-jire), Ganacsiga Cabdirisaaq khaliif Axmed, waxaanay hambalyeeyeen maamulka iyo macalimiinta dugsiga Jiil Al-Jaliil guulaha ay ka soo hooyeen imtixaankii shahaadiga ahaa.

Waxaanay tilmaameen wasiiraddu qiimaha waxbarashadu leedahay iyo sida xukuumaddu dhiirigelinayso, waxaanay halkaa ka soo jeediyeen dardaaran ku waajahan ardayda dugsiga Jiil Al Jaliil.

Maamulaha dugsiga Jiil Al Jaliil Sheekh Maxamuud Xuseen Muuse oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu ku dheeraaday taariikhda dugsiga Jiil Al Jaliil iyo hanaanka maamul iyo waxbarasho ee dugsigaasi, waxaanu xusay in la aasaasay sanadkii 2008-dii mudadaasi uu jirayna ay ka baxeen saddex qormo oo guulo wax ku ool ah soo hooyay, isla markaana waxa uu tilmaamay in uu u mahad naqayo ardayda ku guulaysatay tartankii 15 ka dugsi ee dalalka Geeska Afrika hoos yimaada dhex maray oo kaalinta koowaad ay galeen iyo imtixaankii shahaadiga ahaa oo ay guulo ka soo hooyeen.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ku dheeraaday qiimaha waxbarashada iyo Afka carabiga iyo sida loogu baahan yahay barashadiisa.