Wasiirrada Madaxtooyada iyo Qorsheynta oo ka qayb-galay Kulan lagu soo bandhigay daraasad laga sameeyey Kobaca Dhaqaale ee Dekedda Berbera

Hargeysa (SLpost)- Wasiirada Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Qorshaynta Qaranka ayaa maanta ka qayb galay kulan munaasabadeed oo ka dhacday Hotel maansoor oo lagu soo bandhigay daraasad laga sameeyey Koboca dhaqaale ee Dekedda Berbera taasoo ay soo diyaariyeen saraakiil uu u xilsaaray Baanka adduunku.

Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali X Xasan oo kulankaasi furay ayaa uga mahadceliyey qabanqaabiyayaasha munaasabadaasi waxana uu sheegay in daraasadan laga sameeyey  dekedda Berbera iyo doorka ay ka qaadan karto koboca dhaqaale ee dalka , isagoo si gaar ah ugu mahadnaqay ganacsatada Somaliland oo uu sheegay in ganacsigoodu yahay mid uu wadanku ku tirsan yahay. waxuuna uga mahadceliyey wakiilka Baanka adduunka ee Somaliland sida uu isaga xilsaaray diyaarinta daraasadani.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta Qaranka Dr sacad cali Shire ayaa isaguna hadal uu kulankaasi ka jeediyey waxuu ku faahfaahiyey Dekedda Berbera iyo muhiimadda ay ugu fadhido qarankan Somaliland.

Mudane Sacad waxa uu sheegay in Dekeddu qiimo weyn ugu fadhido wadamada Gobolka ku yaalla isla markaana ay lama huraan tahay in laga hawlgalo hagaajinteeda iyo sida loogu sahlayo.

Mudane Najiib xasan Xaashi oo ah isuduwaha baanka adduunka ee Somaliland oo isna kulanka ka hadlaya ayaa sheegay in baahida loo qabo dekedda berbera aanay ahayn mid ku kooban sdalkan JSL hase ahaatee ay tahay mid daraasadaynteedu gaadhayso wadamada deriska ah.

Maareeyaha Dekedda Berbera Engineer Cali Xoor-Xoor iyo ganacsato reer Somaliland ah ayaa iyaguna  kulankaasi goobjoog ka ahaa.

Somalilandpost News

Hargeysa, Somaliland