Wasiirkii Hore ee Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibrahim oo Hargeysa ku Geeriyooday

Hargeysa, 27 January, 2012 (SLpost)- Wasiirkii hore ee wasaaradda xanaanada xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi ayaa maanta lagu aasay magaalada Hargeysa ka dib markii uu xalay dhiig madaxa kaga furmay uu u geeriyooday.

Alle ha u naxariistee Dr. Idiris Ibraahim Cabdi waxa ahaa xilka Wasiirka xanaada xoolaha ahaa 2003-dii illaa 2010-kii, waxaanu ahaa dhakhtar xoolaha ah oo muddo badan ku soo jiray mihnada dhakhtarnimo ee caafimaadinta xoolaha.
Marxuum- Idiris Ibraahim Cabdi waxa uu xiligan ka mid ahaa Garabka Xisbiga UDUB ee uu hoggaamiyo Ku simaha Guddoomiyaha ahna Gudoomiye Ku xigeenka xisbigaasi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.
Waxa kale oo uu ka mid ahaa siyaasiyiinta xisbiga UDUB ee u olalaynayay murashaxa lagu kala qeybsan yahay ee Jamaal Cali Xuseen oo Garabka Axmed Yuusuf Yaasiin u doorteen inuu noqdo murashaxa xisbigooda ee u tartami doona jagada madaxweynaha doorashada madaxtooyada ee soo socota.

Ku simaha Guddoomiyaha Gudoomiyaha xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin,ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo bahweynta xisbiga UDUB ee uu ka baxay, waxaanu marxuumka ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskiisiina samir iyo iimaan ka siiyo.

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka WADANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, bahweynta Xisbiga UDUB iyo dhammaan shacbi weynaha Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Dr. Idiris Ibraahim Isaga ooo Marxuumka Alle uga baryey inuu naxariistii Janno ka waraabiyo.

Sidoo kale waxa dhambaalo tacsi ah u diray qoyskii Dr. Idiris Ibraahim Cabdi Guddoomiyeyaasha xisbiyada KULMIYE iyo UCID Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Faysal Cali Xuseen, waxaanay marxuumka ILAAHAY uga baryeen inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net