Wasiirkii hore ee Daakhiliga oo Khilaafka Siyaasadeed ee dalka ku xidhiidhiyey Tafaraaruqii Siyaaasadeed ee Horseeday Midowgii Soomaaliya

HARGEYSA (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumaddii Alle ha u naxariistee Madaxweyne Cigaal, ahaana guddoomiyihii Guddoomiyihii guddigii Aftidii Dastuurka Somaliland ee sannadkii 2001-dii, Axmed Jaambiir Suldaan, ayaa ka dayriyey xaaladda siyaasadeed ee wakhtigan iyo saamaynta is-qab-qabsiga Goleyaasha dalku ku yeelan karto xasiloonida dalka.

Axmed Jaambiir SuldaanAxmed Jaambiir Suldaan oo muddo dhowr iyo toban sanno ah aan mansab dawladeed ka qaban xukuumadihii isaga kala dambeeyey ee Somaliland, waxa uu khilaafka sharci ee goleyaasha iyo xafiiltanka siyaasadeed ee wakhtigan dalka ka jira ku xidhiidhay dhacdooyin iyo utuno siyaasadeed oo shacabiga Somaliland kala qaybiyey sannadihii lixdamaadkii, wakhtigaas oo ay dalka ka jireen xisbiyadii siyaasadeed ee SNL iyo NUF, wakhtigaas oo xisbiyadaasi kala-qaybsanaan iyo khilaaf tafaaruq ka dhex-dhaliyey shacabka Somaliland.

Wasiirkii hore ee Daakhiliga Somaliland Axmed Jaambiir Suldaan oo war-saxaafadeed uu xalay soo saaray kaga hadlay arrimahan, waxa uu talooyin iyo baaqyo ku aaddan xal-ka-gaadhista khilaafka jira u jeediyey Goleyaasha Qaranka iyo Axsaabta Siyaasadda.

War-saxaafadeedka uu xalay soo saaray Axmed Jaambiir Suldaaan oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyey xarunta Somalilandpost.net ayaa u qornaa sidan:-

“Waxaan aad uga xumahay dhacdadan baarlamanka iyo xukuumada u dhaxaysa oo keentay rabshado dhaawac, dhimasho iyo xadhigba. Inta dadka xasuusata ama waqtigaasi soo gaadhaybaa yare, waxaan ku xidhi karaa dhacdadan maanta xafiiltankii siyaasadeed ee ka dhexeeyey xisbiyadii SNL iyo NUF-ta ee 1960, kaasi oo aakhirkii ina geyeysiiyey in si talo la’aan ah loogu degdego midawgii Somali wayn oo inagu noqday halaq aynu u daamanka u fadhiisanay. Midawgaasi lixdankii kaliya kuma iman wadaniyad jacayl uun waxaase sababihii soo dedejiyey keenay xafiiltankii siyaasadeed oo meel adag ka gaadhay labadii xisibi ee xiligaasi, waxaanaynu u cuskan karnaa Gabaygii AHU Cabdi Iidaan Faarax ee ahaa ”Labadii is gumeeyey een kala geeri dambayn” markii uu ka soo booday habdhaqankii iyo falcelintii inagaga soo noqotay koonfur somaliya oo aynu hadiyad ahaan isugu dhiibnay. Hadaba waxay inagu qaadatay inaan somaliya ku wareejino Halgankii, suugaantii, dalkii, maalkii, hidihii iyo dhaxalba iyo dhamaanba wixii aynu u soo halgamaynay 70 sanadood oo ingiriis ina haystay Mudo afar cisho ah, afartaasi cisho ka bacdina waxaynu marti dhamaan ku wada noqonay Muqdisho, bal sawirkaasi muxuu kuula muuqdaa, 2 milyan oo qof oo hal mar qalad wada galay god dheer ku riday, qaladka waa la wada leeyahay hadana waa la sii kala leeyahay oo hormoodkii xiligaasi umada ayuu hadana culayskiisu ku dhacyaaa hadii wax la iska waydiiyo, waxaynuse ku dhaafaynaa waayo aragnimo siyaasadeed oo hore oo aynaan lahayn, sabab fiican oo ina wada qancisana waynu u heli karnaa.

Inaynu dib uga soo samatabaxno halaqaasi aynu gondaha u galnay waxay inagu qaadatay mudo 30 sano ah halka ay wareejintii dalka iyo dadku inagu qaadatay 4 cisho. waana caadiyan sida ay u kala fudud yihiin burburka iyo dhismahu. Waxa inagaga baxay soo celinteeda xoriyadaasi naf iyo maal aan la xisaabin Karin, waxaa lagu waayey boqolaal ka mid ah xoogii, dhalinyaradii, waxgaradkii, aqoonyahankii, odayaashii iyo hooyooyinkii oo qiimo badan inoogu fadhiyey, dabcan may ahayn dad laga maarmay ama sabab la’aan u dhintay, waxay u sadqeeyeen nafahoodii inay ku ku kifaaxaan midhaha dhiigooda ku bixi doona shicibkan aynu ka mid nahay, go,aan bay ahayd ay qaateen, may ahayn dhacdo si lama filaan ah ay ula kulmeen. Waxay aad uga war qabeen oo ka dheregsanaayeen halasaha iyo dabka ka sokeeya xoriyada, qabriga afka kala haya ee iyaka sugaya hadii ay dagaalkaasi galaan. Ilaahay mahadii waynu guulaysanay dagaalkasi dheer dabadii.

Dedaalkaasi iyo halgankaasi quruxdiisii waxaa hoos u dhigay foolxumadiii iyo dagaalkii ka dhashay xafiiltankii siyaasadeed ee u dhexeeyey hormoodkii umada ee hogaaminayey, masuuliyadeeduna cidbay fuulaysay waxaase lagaga soo gudbay, ahlul caqligii iyo dun wanaagii umada oo u istaagay midaynta iyo ka dhexsaarida khilaafka umada ilaahayna waa uu ku guuleeyey. Dibu heshiisiin iyo yab yab badan oo duruufo adag lala soo maray dalkan waxaa la gaadhay guulo isdaba jooga oo dhinacyada kala duwan ee nolosha shicibka ah, waxaana isaga dambeeyey xukuumadihii soo maray dalka, xaga caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha iyo horumarka guud ee dalka. Waxaan aad ugu doogsadaa markaan arko dhalinarada wax baratay ee aynu ku soo saarnay nabada iyo xasiloonida darteed, waa kuwo aynu ku ilaawi karno aqoonyahankii aynu ku waynay xoraynta dalka alxamdulilah.

Dulucda warsaxaafadeedkaygu waxa weyaan, dhacdadani iyo xafiiltankani siyaasadeed wuxuu inagu celin karaa god madow oo aynu si adag kaga soo baxnay ama ugu yaraan wuxuu wiiqi karaa wada jirka iyo is aaminka umada, waana goldoloolo looga soo dhici karo qaranimadan ay ulaha ugu tukubayaan cadawga badan eek u gedaamani. Halka ciidankii qaranku yaal waynu ognahay iyo xuduudaha ilaalintooda sida uu ugu mashquulsan yahay. Yaan lagu dul gorgortamin dhiiga shacabka iyo ciidamada heeganka ugu jira difaaca iyo ilaalinta amniga umada.

Haddii kale Cawaaqibka ka dhalan kara arimaha noocan ah wuxuu dusha ka fuuli doonaa dhinacyada iska soo horjeeda iyadoo masuuliyadana la kala badsan doono. Taariikhduna ay xusi doonto.

Cawaaqibka ka dhalan kara arimaha noocan ah wuxuu dusha ka fuuli doonaa dhinacyada iska soo horjeeda iyadoo masuuliyadana la kala badsan doono. Taariikhduna ay xusi doonto.

Waxaan ku soo gebo gebaynayaa, Halbaan dawlada leeyahay, halna xisbiyada mucaaradka ah, halna shicibka Ayaan leeyahay.

  1. Dawlada waxaan leeyahay arimaha xasaasiga ah dejinteeda dariiqyo badan baad u mari kartaan. Dariiqa ugu adag ha u marina xalinta khilaafyada ama arimaha aan sidaa u sii ridnayn idinkoo heli kara kuwo ka fudud. Nasiib baad leedihiin waxaad ku soo beeganteen xukuumad ahaan dalka oo degay iyo dadka oo xasilay. Kalsoonida shicibka hanta oo si sulux ah ku hanta.
  2. Xisbiyadana waxaan leeyahay ha ku gorgortamina dhiiga shicibka, xisbiyadiinuna yaanay qabaail dabada ku hayne shicib waynaha qanciya, waxaana idiin muhiim ah inaad dhaxashaan kursi nadiif ah oo nabad gelyo aad ku heshaan. Kursi dhiigya cab ahi sharaf idiinma soo wado, kuna heli maysaan qalalaase iyo rabash.
  3. Baarlamaankana waxaan leeyahay shicibku wixii uu idiin soo doortay wad ka leexateen, waxaad ku milanteen muranada xukuumada iyo xisbiyada u dhexeeya. Shuruucdii dadka shicibka ah u adeegi lahaa inta idinka soo baxday way yartahay. Waxaana Ayaan daro ah inaad manta u ekaataan baarlamaanka koonfur somaliya wax ka socda.

Xafiiltan iyo middi-middi ku taag, khasaare badan baa inaga soo gaadhay ee caqligu ha shaqeeeyo. Wabilaahi tawfiiq,” Sidaas ayuu Axmed Jaambiir Suldaan ku yidhi Qoraalkiisa.

SOMALILANDPOST.NET