Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibada Oo Beeniyay Inuu Mansab Ka Qabanayo Somalia

Nairobi (SL.Post) Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliya Maxamed Biixi Yoonis, ayaa si adag u beeniyay warar la baahiyay oo sheegaya inuu noqon doono raysalwasaaraha dambe ee Somaliya marka ay dhalato dawlad cusubi ee Somaliya.

 

maxamed-biixi-yoonis

 

Maxamed Biixi  oo isagoo jooga magaalada Nayroobi ee dalka Kenya xalay la soo xidhiidhay wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay, wuxuu wararkaas ku tilmaamay kuwo dacaayad ah oo lagu dilayo sumcadda uu ku dhex leeyahay shacabkiisa Somaliland, “Waxaan doonayaa inaan beeniyo warar dacaayad ah oo aanay waxba ka jirin oo la iga baahiyay oo sheegaya inaan noqonayo raysalwasaaraha dalka Somaliya.” ayuu yidhi Maxamed Biixi oo intaas raaciyay, “Warkaas waxba kama jiraan, waana dacaayad la iska garanayo cidda ka dambaysa oo lagu dilayo sumcadda aan ku dhex leeyahay dadkayga Somaliland. Anigu nin Somaliya iyo meel kale toona u socda ma ihi, waxaan ahay nin aaminsan qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, horena ugu soo shaqeeyay haddana u shaqaynaya, waxaan aaminsanahay Somaliland oo ka mid noqota dalalka la aqoonsanyahay oo hesha xaqa ay shacabka reer Somaliland leeyihin.”

Wuxuu intaas raaciyay, “Markaas warkaasi waa mid raqiisa oo aanay gebi ahaanba waxba ka jirin, mana aha wax iga suurtooba.”

 

 

Somaliladpost.net