Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo sababeeyay dib-u-dhaca horumak gobolka Sanaag kana hadlay Xalka laga gaadhay laba beelood oo Dhexdhexaadin u socotay

argeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali ayaa sheegay in waddo xumaddu ay la hadhay Gobolka Sanaag oo uu tilmaamay inuu u baahan yahay in si weyn loogu soo jeesto sidii looga shaqayn lahaa horumarintiisa.

Wasiiirku waxa uu ka hadlay sidii ay u shaqeeyaan laamaha dawlada ee gobolka Sanaag. Waxa kale oo ka hadlay xaalada nabadgelyada gobolka Sanaag iyo wax ka qabashada dilkii Taliyihii saldhiga booliska ee Daallo oo dhawaan lagu dilay Magaalada Ceerigaabo. Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu u warramayay wariye Cumar Maxamed Faarax

Wasiirka xanaanada Xoolaha oo aanu ugu horayn wax laga weydiiyay xaalada nabadgelyada ee gobolka Sanaag iyo nuxurka Kulamadii uu la yeeshay odayaasha iyo waxgaradka gobolka Sanaag, waxaanu yidhi “Xaalada guud ee gobolka Sanaag sida gobolada kale ee dalkaba aad iyo aad ayuu u Wanaagsan yahay wax dhibaato ah oo ka taaganna ILAAHAY mahadii ma jirto, arrintii aan u joognay Magaalada Ceerigaabo ee dilkii dhawaan lagu dilay Sarkaalka Booliska ah meel aad iyo aad u fiican ayay noo maraysaa oo gacanta ayaanu ku haynaa, kulamo badan oo aanu la yeelanay waxgaradka labada dhinac waxa ka soo baxay in ninkii wax dilay loo diray odayaashiisii inay soo qabtaan. Beesha wax laga dilayna ay sugaan oo ay iska samraan. Markaa arrintaasi imika meel fiican ayay noo maraysaa.” Wasiirka oo aanu weydiinay waxa iska bedelay xaalada Adeegyada bulshada ee gobolka Sanaag oo aad looga dayrin jiray, waxaanu yidhi “Waa wax jira in waddo xumada uu Gobolka Sanaag kaga duwan yahay gobolada kale ee dalka, waddo xumadaasi oo aad u Saamaysay dhaqaalihii iyo horumarkii kale ee gobolka. Waxaanu jecel nahay In dawladu baahiyaha badan ee gobolka Sanaag yaala inay kollba wixii karaankeeda ah ka qabato.”

“Waxa imika Magaalada Ceerigaabo ka socota dhismihii Jaamacada, dhismahaasina dawladu waxay ka geysanaysaa gacan aad u balaadhan, waxa kale oo ka qeyb galaya bulshada gobolka Sanaag gudo iyo dibadba,”ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir. Wasiirka Xoolaha oo ka hadlayay waddo la’aanta Ceerigaabo waxa uu yidhi “Wadadu waa u muhiim gobolka Sanaag, inkasta oo ay Dhaqaale badan u baahan tahay haddana dawladu way balan qaadaysaa in maalin uun wadada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo la sameeyo,”

“Gobolka Sanaag waa meel u baahan in loo soo jeedsado horumarkiisa dawlad iyo shiciba, waa dhul hodan ah bari iyo bad-ba waxase la hadhay wado la’aanta markaa dhismaha wadadaasi waa wax qorsheyaasha xukuumada ku jirta,”ayuu yidhi

Wasiirka Xanaanada Xooluhu. Wasiirka oo aanu weydiinay siday u shaqeeyaan laamaha dawlada ee gobolkaasi oo lagu tilmaami jiray kuwo Magac ahaan uun u jira, waxa uu ku jawaabay “Marka aad ka tagto duruufaha Dhaqaale ee gobolka haddana waxa jira Wasaarado badan oo xarumo ku leh gobolka si wanaagsana u shaqeynaya, xukuumadana waxaad moodaa inay aad u tamar gelisay isku duweyaashii gobolada dalka ee laamaha dawlada.”

Somalilandpost.net

Somalilandpost08@gmail.com