Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo faro-badnaanta tirada Jaamacadaha dalka ku tilmaantay inay dhalinyarada ka horjoogaan Dhibaatooyin kale

Wasiirka Waxbarashada

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay inaan la sharaysan tirada badan ee Jaamacadaha Dalka balse laga wada shaqeeyo sidii loo tayeyn, waxaanay tilmaantay in badnaanta tirada jaamacadaha dalku ay ka hortagayso in dhalinyarada Somaliland ay lafahooda wax u bartaan halkii ay ka qaadi lahaayeen ficillo xun-xun oo waxyeello gaadhsiin kara qoysaskooda iyo bulshadaba.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo waxa hadalkan ksha sheegtay munaasibad ay shalay shirkadda TELESOM ku wareejinaysa maamulka Jaamacadda Hargeysa Dhisme cusub oo ay dhistay Kuliyadda ICT-ga, waxaanay wasiirku ku boorisay in dalka horumarkiisa laga wada qayb-qaato oo aan cid kaliya lagu halleyn.

Wasiirka Waxbarashada

“Waxynu ku soo dhisanney oo ay maanta heerkaa ku gaadhney wax wada-qabsiga, hadday shirkadaha tahay iyo hadday tahay shacabka iyo hadday tahay dawladda meel walba aynu sidaa u wada qabanayno, runtii waa inta uu waddan ku dhismi karo, aadbaan u dhiirri-gelinayaa inaynu sii wadno oo aynu iska kaashanno wax waxba oo aynaan cidna ku halleyn, runtii Illaahayna markaas ayuu wax walba inala qabanayaa,” ayey tidhi wasiirka waxbarashada oo dhiirri-gelinaysa faa’idada wax wada-qabsigu leeyahay.

Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan iyada oo ka warramaysa tadawurkii loo soo maray heerka ay maanta marayaan jaamacadaha dalka, tiradooda iyo sida ay dhalinyaradu uga faa’idaysan karaan waxay tidhi, “Jaamacadda Hargeysa waxay soo martay waa la ogyahay, dhibaatooyin badanbay soo martay, haddana waxaas oo dhan waxbay ka faa’idaysanaysay, waxbay ka baranaysay haddii laysku qabsado, marbaa jiray bilaa Deyr ay ahayd oo iyada oo wax lagu baranayo, geeluhu dhex daaqi jiray.” Waxay hadalkeeda ku dartay, “Jaamacadahan badan ee dalka ka jira laftooda dhibaato badan anigu uma arko. Waddankeennu haddaanu caadi ahayn, dhalinayaradu ay hubaysnaayeen, kuwii yaryaraa ay eeganayeen kuwaa hubaysnaa ee dadka dhacayey, in jaamacado la abuuro oo aan la eegin Tayadooda laakiinse ay ardaydii u fadhiistaan fasal oo wax bartaan. Intaas oo arday oo dareeraysa Jaamacadaha, miyaanay wax wanaagsan ku dhiirran? Miyaanay tayadoodu aanay qaar wanaagsanaan?”

Marwo Samsam Cabdi Aadan waxay sheegtay in tirada jaamacadaha dalku ee tirada badan ay dhalinyarada ka horjoogaan inay tahriibaan ama rabshado kale dalka ka abuuraan, “Haddaanay inanta ama inanku waxbarasho ku foognaanin, wax kale oo ka fool xun ayey samayn lahaayeen sida inay tahriibaan ama inay Rabshado galaan. Illaahay mahaddii marka aad aragto tirada Ardayda Iskuulada u dareeraysa, runtii waa wax farxad leh,” ayey tidhi Wasiirka Waxbarashadu.

Haseyeeshee, wasiirku waxa aanay meesha ka saarin in la tayeeyo waxbarashada Jaamacadaha tirada badan iyada oo xustay in sababtay loo sameeyey Komishanka Tacliinta Sare uu yahay in Jaamacadaha loo kordhiyo wixii ka dhinnaa, isla markaana wax uu ardaygu ka baranayo uu noqdo mid waafaqsan baahida dalka.

Ugu dambayntii, wasiirka wasaaradda waxbarashadu waxay u mahad-celisay shirkadda TELESOM oo ay xustay inay kaalin wax ku-ool ah ka qaadato taageerada iyo horumarinta waxbarashada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

SLpost News/Hargeysa