Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo digniin u diray Shirkado Dhac u geysta Ardayda dalka

 

Burco (SLpost)- Wasiirka waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa digniin u diray shirkaddo uu sheegay in ay sifo qaldan lacago uga urursadaan dhallinyarada ka qalin jabisa dugsiyada sare ee dalka.

Ardayda ayaa inta badan isku daya inay dalka dibadiisa u raadsadaan waxbarasho Jaamacadeed.

Wasiir Axmed Toorno, ayaa sheegay in aanay jirin haba yaraatee shirkad bixisa waxbarasho lacag la’aan ah oo jaamacad dibadeed ah.

Balse shirkadaha iyo shaqsiyaadkaasiba ay yihiin kuwa ku doonaya lacago ay dhallinyarada ka qaadan. “Waxaan dhallinyaradda uga digayaa, waxaan maalin walba aragnaa shirkad waxbarasho bilaasha xayaysiinaysa. Waxaa jira ragg ku shaqaysta oo wasaaradda na aan ka diiwaangashanayn,” ayuu yidhi Wasiirku.

“Digniin na waanu siinay. Mar labaad na waan ku celinayaa. Arday danyara oo waxbarasho doonaya ayay ku odhanayaan ‘waxbarasho bilaasha ayaanu ku raadinaynaaye lacag keen” ayuu yidhi wasiir Axmed Toorno oo hadal ka jeedinayay xafladdii qalin-jabinta ardayda jaamacadda magaaladda Burco oo todobaadkan qabsoontay.

Geesta kale wasiirku waxa uu dhallinyarada dugsiyada sare ka baxay ugu baaqay in cidiii doonaysa waxbarasho dalka dibadiisa ay wasaaradda la soo wadaagto, si ay uga caawiyaan wixii xaqiiqo ah, waxaanu yidhi, “Ardayda waxaan leeyahay wasaaradda waxbarashadda la soo xidhiidha, si aanu kaaga eegno, cidd inta yar ee aad hayso doonaysa in ay dhufato iyo in dan kale laga leeyahay.”

“Shirkad ayaa meel laga furayana heblaayo inter price shan boqol oo kun ayay ku qaadanayaan imtixaan way ka cararayaan hadhaw.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirku.

 

Somalilandpostnet

contact@somalilandpost.net