Wasiirka Waxbarashada oo Soo Xidhay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee Somaliland + Xog Muhiim ah

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Md Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee sannad-dugsiyeedka 2021/2022 ee Somaliland.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga H/Dhexe ee Somaliland, ayaa dalka ka bilaabmay Sabtidii toddobaadkan, waxaana u fadhiistay arday tiradoodu ka badan tahay 37 Kun oo isugu jira Wiilal iyo Hablo dhammaystay waxbarashada Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare.

Imtixaanka Dugsiyada H/Dhexe ee Somaliland oo ay u fadhiisteen in tiro ku dhow 23 Kun arday, ayaa la soo gebo-gabeeyey Salaasadii Toddobaadkan.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee Somaliland oo ay u fadhiisteen 14,428 arday oo isugu jira 8,262 wiilal ah iyo 6,166 hablo ah, ayaa la filayaa in la soo gebo-gabeeyo Khamiista Todobaadkan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Somaliland, waxa uu booqday isla markaana imtixaanka ku soo xidhay Dugsiga Sare ee Waran-cadde ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ugu kuur-galay qaabka ay arkaydu imtixaanka ugu jiraan iyo ilaalada hawl-wadeennada wasaaradda waxbarashada u xil-saaran sugnaanshiyaha imtixaanka.

Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada oo warbaahinta la hadlay ay si qotodheer uga warbixiyeen qaabka uu u soo bilowday Imtixaanku iyo qaabka uu ku soo dhamdaay, iyaga oona fariin muhiim ah diray.

Guud ahaan, Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare ee Somaliland oo sannadkan ay u fadhiisteen tiradii ugu badnayn oo wadar ahaan noqonaysa 37,348 Arday, ayaa guud ahaan ba gobollada iyo degmooyinka dalka ka bilaabmay 11 June, 2022 oo ku beegnayd Sabtidii toddobaadkan.

Guud ahaan Somaliland, waxa sannadkan imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare u fadhiistay 21,077 arday oo wiilal ah iyo 16,271 arday oo Gabdho ah oo wadar ahaan noqonaya 37,348 arday iyadoo tiradani muujinayso inay sannadkan imtixaanka ugu fadhiisteen tiradii ugu badnayd ee Ardayda Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare ee Somaliland.

Sannad-dugsiyeedkii hore ee 2021, waxa guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland imtixaanka Shahaadiga ah u fadhiistay 32,849 arday  oo isugu jiray 19,175 Wiil iyo 13,674 Hablood.

Tirada Hablaha Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare u fadhiistay, waxa sannadkan ku kordhay 2,597 Hablood, halka tirada Wiilashuna tiradii sannadkii hore u fadhiisatay ka badan tahay 1,902 wiil.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net