Wasiirka Waxbarashada Oo Sheegay Inay La Xisaabtami Doonaan Macalimiinta Ay Tabobareen ee Dugsiyada Gaarka Ah U Shaqo Tagay

Hargeysa(SLpost)–Wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habanne (Cabdilaahi Dheere), ayaa daboolka ka qaday inay la xisaabtami doonaan macalimiinta dugsiyada dawladu ay u soo tabobartay kuwaas oo u shaqo taga dugsiyada gaarka loo leeyahay.

Waxa uu wasiirku sheegay inay wakhtigan ay u guntanayaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen waxbarashada dugsiyada dawliga ah, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Inagu (dawladda) waxaynu haysanaa waxyaabo badan, hadana inagoo wax badan haysana macalinkii tababarnaa wuu inaga tegay. Tababar ayaa la geliyay, kharash ayaa la geliyay, wasaaradda waxbarashadda ayaa loo tababaray, wixii hadda ka danbeeya heshiis ayaan la gelaynaa. Ma waxaynu u tababaraynay in uu iskuul kale oo gaar loo leeyahay u shaqo tago, mise in uu wax ku soo celiyo bulshadii, ilayn hanti ummadeed ayaa ku baxdaye”ayuu yidhi wasiir C/laahi Dheere.

Isagoo hadalkiisa sii watyan waxa uu yidhi “Waxaa loo baahan yahay in aynu kabno tacliinta dugsiyadda hoose dhexe ee dawliga ah, waayo aasaaskii waxbarashadu waa idinka (maamuleyaasha), anaguna (wasaaaradda) waanu idinla soconaynaa. Wax Allaale iyo wixii la heli karayaba waanu raadinaynaa, idinkana is-xil qaam ayaa la idinka doonayaa. Idinma odhanayno aduun baad haysaan, oo kaaf-doon ayaad tihiin, laakiin waxaanu idin leenahay dedaalkiina iyo kartidiina, is-xil-qaama oo wax qabta. Oo ninka inoo shaqaynaya iyo ka aan inoo shaqaynaynin ha inoo kala duwanaadaan.”