Wasiirka Waxbarashada Oo Kormeeray Dugsiyada Uu Ka Fulay Mashruuca Maamuldaadajinta Waxbarashada ee Berbera

Berbera(SLpost)-Wasiirka wasaarada waxbashada Faarax Cilmi Geedoole ayaa socdaal indha indhayn ah ku maraaya gobalada uu ka jiro mashruuca maamul daadajinta waxbashada.

Waxa uu wasiirku kormeer maanta ku soo maray gobalka Saaxil oo golaha deegaanku uu gacanta ku hayo 42 dugsi, waxaana isaga oo warbaahinta kula hadlay dugsiga Cumar Binu Khadaab oo dhawaan gubtay isla markaasna haatan ay gacanta ku hayaan dhismahiisa golaha deegaanka ee Berbera.

Waxaana wasiir Geedoole oo halkaas ka hadlaayay uu yidhi “Sodaalkayga ahmiyadiisu waxya ahayd iyada oo lagu jiro sanadkii labaad ee marshuuca ee maamul daadajinta waxbarashada, waxa uu socdaalkagu ahaa inaan soo indha indhayno oo xogogaalna u noqono habsami u socodka maamul daadajinta waxbarashada, ta qabsoontay iyo ta hada socotaba gobalkan aad iyo aad ayaanu uga mahadnaqaynaa iyad oo 42 dugsi uu gobalka Saaxil golaha deegaanku maamulo oo hawsha uu ka wadaa ay tahay mid uu ku guulaystay, haday tahay shaqaalaha,fudinta fasalada cusub ee dugsiyada lagu daraayo iyo haday tahay dib u habaynta dugsiyada nurburku ku dhacay waxa ka mid ah dusigan aanu taaganahay oo gubtay 36 oo dolar ayaana ku baxaaya.”

Advertisement

https://youtu.be/2vnWhAY2770

Follow us On