Wasiirka Warshadaha Somaliland Oo La Kulmay Dhiggiisa Dalka Sweden

 

Stockolm (SLpost) Wasiirka warshadaha Somaliland Mudane Shucayb Maxamed Muuse ayaa kulan la qaatey dhigiisa dalka Sweden.

Kulankaasi oo maanta ka dhacay xarunta wasaarda ganacsiga iyo warshadaha ee dalka Sweden ayaa ay labada masuul kaga wada hadleen arimo  doora oo ay ka mid tahay sidii dalka Sweden uu uga caawin lahaa Somaliland dhinaca warshadaha maadaama oo dalka Sweden ka horumarey dhanka warshadaha.

 

Sidoo kale waxa xusid mudan in hawenayda wasiirka ka ah wasaarada ganacsiga iyo warshadaha ee dalka Sweden ay aad ugu riyaaqdey hanaanka dawladnimo ee ka jira Somaliland kadib markii uu wasiir shucayb uga waramey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martey JSL.

Sidoo kale waxa wasiirku u sharaxey heerka ay Somaliland ka gaadhey nabadgelyada, la dagaalanka argagixisada iyo budhcadbadeeda, taasi oo dawlada Somaliland iyadoon cidina ka caawin ka ilaashatey cadawga ili ma aragteydaa wadankeeda.

 

Dhanka kale wasiirku wuxu usoo jeediyey in dawlada Sweden ay Somaliland ka caawiso dhinaca korontada waxaanay isla madashaasi wasiiradu ka balan qaadey inay wax qabad muuqda ka geysan doonaan waxyaabahaa uu wasiirku usoo jeediyey sida ugu dhakhsaha badan.

 

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay ee wasiir ka socda wasaarada warshadaha Somaliland uu kulan noocanoo kale ah la qaato dhigiisa Dalka Sweden