Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka hadlay Fursadaha ay Somaliland ka heshay ka-qayb-galka Shirkii London ee Arrimaha Soomaalida

Hargeysa, 07 March, 2012 (SLpost)-  Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Cabdi Maxamuud “Xaabsade”, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Natiijada Somaliland uga soo baxday shirkii Arrimaha Soomaalida ee London  isaga oo sheegay in ka-qayb-galka Somaliland ee Shirkaasi waxtar weyn Qaranka u soo hoyey.

Wasiir Xaabsade   waxa uu sidaas ku sheegay mar uu maanta warbaahinta la hadlay ka dib markii isaga oo ay weheliyaan laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada, oo ka mid ahaa weftigii Somaliland uga qayb galay shirkii lagaga hadlayay arrimaha Soomaalida ee lagu qabtay 23kii bishii aynu soo dhaafnay Magaalada London, ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Wasiirka oo soo maray dalka  aynu deriska nahay ee Itoobiya ayaa maanta dalka ka soo galay dhanka Xuduuda Wajaale waxaana soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ay ka mid yahiin Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Faysal Cali Sheekh, Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Xiirane, Agaasimaha Idaacada Radio Hargaysa Siciid Aadan Cige iyo hawlwadeeno ka tirsan wasaaradaasi.

Wasiirka waxaa ku wehelinayey soo laabashadiisan Xildhibaan Cali Sh Ibraahin Aareeye & Xildhibaan Mahdi Xuseen Cadare  oo labaduba ka tirsan golaha wakiilada ee JSL.

Wasiirka Warfaafinta ee JSL Mudane Axmed Cabdi Xaabsade oo hadal kooban siiyay Warbaahinta ayaa  ka xog waramay shirkii ay dhowaan kaga qayb galeen carriga ingiriiska ee la xidhiidhay arimaha Soomaalida, wasiirku waxa uu Tilmaamay in shirkaas ay Somaliland guul balaadhani uga soo hoyatay, isla markaana ay badheedhaheedii ka sheegtay, Waxa uu Wasiirku Xusay in natiijadii shirkaas ka soo baxday ay wax badan ka caawinayso horumarinta Qadiyada Somaliland .

Wasiirka Wasaarada Warfaafintu Mudane Axmed Cabdi Xaabsade  waxa uu intaas ku daray in War Murtiyeedkii ka soo baxay Shirkaas lagu muujiyay markii u horaysay in Somaliland iyo Somalia ay ka wada hadlaan xidhiidhkooda mustaqbalka taasina ay cadaynayso ayuu yidhi in laba dal ay wada hadlayaan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net