Wasiirka Warfaafinta Oo Xaflad Qado-sharaf ah u sameeyay Fanaaniinta Xidigaha Geeska oo Xalay Wacdaro ka dhigaY SLNTV

Hargeysa (SLpost)-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta munaasabad Qado sharaf ah u sameeyey kooxda fanaaniinta ee Xidigaha Geeska iyadoo ay munaadabadaas soo xaadireen mas’uuliyiinta TV-ga qaranka oo uu ka mid yahay maareeyaha Guud eMd Khadar xasan Cali Gaas.

Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse Wasiirka wasaaradda warfaafinta oo hadalo kooban ka jeediyey xafladdaasi qado sharafta ah ayaa kooxda xidigaha geeska uga mahadceliyey kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan fanka Somaliland iyo ka gobolkaba, waxana uu ku ammaanay doorka ay ku lahaayeen bandhigyadii TV-ga Qaranka ee munaasabadda Ciidul adxaagaa ee aynu ku gudo jirno.

Cukuse

Abwaan xasan saleebaan Dhuxul (laab-salaax) Gudoomiyaha Kooxda fanaaniinta ee Xidigaha Geeska oo isna munaasabada Qado sharafta ah ka hadlay ayaa uga mahadceliyey wasaaradda warfaafinta ee JSL sida ay ugu heellan tahay inay wax la qabato guud ahaan fanka Somaliland gaar ahaana fanaaniinta Xidigaha Geeska,

Sida la ogyahay kooxda xidigaha geesku waxa ay bandhig faneed muhiim ah ku soo bandhigeen Xarunta TV-ga Qaranka intii lagu jiray habeenimadii Ciidda ee xalay oo ku beegnayd 16.Octobar.2013, bandhig faneedkaas oo ahaa mid uu TV-ga qaranku ugu talo galay dadweynaha munaasabadda ciidul adxaaga darteed.

Somalilandpost.net

Hargeysa