Wasiirka Warfaafinta oo Shahaadooyin iyo Abaalmarino Gudoonsiiyey Shaqaale ka Tirsan Wasaarada

Boobe Yuusuf


 Hargeysa(SLpost) -Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe ayaa maanta shahaadooyin iyo abaal marino gudoonsiiyey shaqaale ka tirsan wasaarada warfaafinta kuwaas  oo dhamaystay tababaro kale duwan iyo shaqaale muujiyey shaqo wanaag.

 

Munaasibada lagu gudoonsiinayey shaqaaalahan abaal marinada iyo shahaada sharafta oo  maanta ka dhacday Xarunta Wasaarada Warfaafinta ayaa waxa goob joog ka ahaa masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta  Agaasime Waaxeedyada,Madax qaybeedyada iyo Shaqaalaha Wasaaradaasi.

Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta Cabdirashiid Jibriil Yuusuf oo ka hadlay munaasibadan ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka lagu soo xulay shaqaalaha la gudoonsiinayey shahaadooyinka iyo abaal marinada, waxaanu tilmaamay in xubnaha shaqaalaha ah ee shahaadooyinka mutaystay ay ka kala yimadeen waaxaha wasaarada warfaafinta iyo qaybaha ku yaala gobolada dalka iyo dibada, isla markaana ay  kala yihiin laba qaybood oo dhamaystay tababar u kala soconayey mudo afar bilood ah iyo mudo laba todobaad ah iyo qaybo kale oo lagu maamuusayey shaqo wanaaga ay muujiyeen.

Wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta Cabdiraxmaan Yuusuf  Ducaale (Boobe) oo isaguna ka  hadlay munaasibadan ayaa sheegay  in qorshaha abaal marinta loogu tala galay in wasaaradu  ku dhaqanto mustaqbalka dhaw isla markaana la abaal marin doono qof kasta oo ka tirsan shaqaalaha wasaarada isla markaana wax wanaagsan qabta.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in lala socon doono qofka waxa xun ku  kacayaa taasina ay fursad u tahay in la ogaado gabdhaha iyo wiilasha shaqo wanaaga muujiyey, waxaanu wasiirku balan qaaday in lixdii biloodba mar la samayn doono qiimaynta shaqaalaha.

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay agaasimayaasha idaacada Radio Hargeysa iyo telefishanka qaranka kuwaas oo sheegay inay soo dhawaynayaan qiimaynta lagu sameeyey shaqaalaha wasaarada warfaafinta.

Gabagabadii waxa uu wasiirka warfaafinta abaal marino gudoonsiiyey shaqaalihii dhamaystay tababarka iyo kuwii muujiyey shaqo wanaaga.

SOMALILAND POST.NET