Wasiirka Warfaafinta oo maanta dhagax-dhigay Dhismaha War-laliska Idaacadda weyn, sheegayna wakhtiga ay dalka imanayso

Hargeysa, 18 January, 2012 (SLpost)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta & wacyigelinta ee JSL Mudane Axmed Cabdi Maxamuud Xaabsade ayaa maanta Dhagax dhigay dhismaha la dhigi doono War-laliska idaacadda weyn ee  Cusub ee Radio Hargaysa.

Munaasibad kooban oo ka dhacday Goobta dhismahaasi laga bilaabayo oo ku taala xayndaabka  xarunta wasaaradda warfaafinta & wacyigelinta Gudaheeda ayaa waxaa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta & wacyigelinta faysal Cali Sheekh oo tilmaamay ahmiyada ay qaranka ugu fadhido idaacada weyn ee la filayo in dalka la keeno taas oo ay ku rajo weyn yihiin inay dhawaan dalka la keeno.

Wasiirka warfaafinta & wacyigelinta ee JSL  Mudane Axmed Cabdi Maxamuud Xaabsade oo dhagax dhigay Dhismahaasi Cusub ka hadlay  ayaa u sheegay in hirgelinta Idaacadda weyn ee dalka wada gaadhaysa ay qayb ka tahay qorshayaasha Xukuumaddu ku balan qaaday, isla markaana ay wasaarad ahaan ay u xilsaaran yahiin fulinta & ka midho dhalinta hawshaasi.

Wasiirku waxa uu Cadeeyay  in Idaacadda weyn  ay dalka Iman doonto dhamaadka bisha February waxaanu wasiirka warfaafintu u soo jeediyay hawl wadeenada wasaarada gaar ahaan waaxda farsamadu inay isu diyaariyaan sidii ay aqoontooda kor ugu sii qaadi lahaayeen .

Mudane Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu xusay in idaacadan cusubi ay wax weyn ka tari doonto fidinta maamulka dawladeed iyo sidii ay bulshada Somaliland u heli lahayd wax ka ogaanshaha xaalada dalka maadaama idaacadan laga dhagaysan doono dalka guud ahaan iyo wadamada mandaqada.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net