Wasiirka Warfaafinta oo ka xog-warramay Ujeeddada Socdaal uu dalka debedda uga maqnaa muddo todobaaddo ah

Berbera (Ogaal)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee Somaliland Mudane Cabdi raxmaan Yuusuf Ducaale “Boobe” ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu soo dhamaystay socdaal qaatay muddo laba todobaadoo uu ku tagay Wadamada Koonfurta Suudaaniyo Ethiopia.
Wasiirka Warfaafinta ayaa ka soo degay Madaarka Magaalada Berbera, waxa uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha uu socdaalkiisu la xidhiidhay isagoo sheegay inuu marti qaad ka helay Jaamacad ku taala Magaalada Juba ee Xarunta Wadanka Koofurta Sudan iyo Machad ku yaala Wadanka Sweden soona diyaariyay sida uu xusay kulan hawleed muddo sadex cisho ah socday oo lagaga hadlayay sababta keentay in la citiraafo Konfurta Sudan, ee ay Somaliland u weyday aqoonsi ay ka hesho beesha caalamka .
Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale “Boobe”,waxa kale oo uu sheegay in kulankaas uu ka jeediyay Qoraal dheer oo ka waramaya midnimadii fashilantay ee dhex martay Somaliland iyo Somalia,1-dii bishii July 1960-kii iyo dhibtii ummada Somaliland ka soo gaadhay Midowgaas,waxaanu intaas ku daray inuu sharaaxad ka bixiyay sidii uu ku yimid halgankii hubaysnaa ee ay horseedka ka ahaayeen ururkii SNM,ee aakhirkii dhaliyay la soo noqoshada madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland,waxaanu intaas raaciyay in Wasiir ahaan aan loo marti qaadin balse aqoon yahan ahaan loo casuumay.
Dhinaca kale waxa uu Wasiirka Wasaarada Warfaafintu sheegay inuu soo maray dalka Ethiopia, kuna sugnaa mudo sagaal cisho ah waxaanu intaas ku daray in kulamadii u qorshaysnaa inuu la yeesho Madaxda dalkaasi ay u suuro gali weyday kadib markii uu geeriyooday Ra’isal Wasaarihii Wadankaasi Meless Senaawi.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net