Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay Niman aan la aqoonsan oo lagu qabtay Gudaha Wasaaradda Warfaafinta

Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Abiid Diiriye Nuur (Abiib-Tim-cad), ayaa faahfaahin ka bixiyey rag budhacad ah oo goor habeenimo ah lagu qabtay gudaha Xayndaabka Wasaaradda wafaafinta dhexdeeda.
Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay raggaas oo si aad ah looga shakiyey ay hadda xidhan yihiin isla markaana kiiskooda lagu baadhayo xarunta C.I.D-da, waxaanu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyey ujeeddada raggan oo tiradoodu dhan tahay afar ay u soo galeen gudaha xayn-daabka Wasaaradda, isaga oo xusay inay ka dhursugayaan natiijada laga soo saaro baadhitaanka hay’adaha amnigu ku wadaan, hasyeeeshee, waxa uu soo qaaday inay jiraan dad damacsan in ay waxyeello u gaystaan idaacadda qaranka ee dhawaan la rakibay.
“Habeen dhowayd afar nin ayaanu ku dhex-qabanay idaacadda badhtankeedda ilaa hadda waxay yihiin lama garanayo oo baadhitaankooda waa lagu jiraa oo weli C.I.D-du noomay soo gudbin nimanku waxay ahayeen, waana kuwa aanu ku baraarugnay runtii,” ayuu yidhi wasiirka Wafaafintu, waxaanu intaas ku dararay, “Waxaan dadweynaha u sheegayaa in nalala shaqeeyo oo gacan nala siiyo, laba nama wada qabato; wax keena iyo in aan wixii dadku ilaashan oo aanu qiimayn oo aanu qadarrin wax is-qabanaya maaha runti,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Abiib Diiriye oo maanta warbaahinta la hadlayey.
Wasiirku waxa uu tilmaamay inay idaacadda ku xeeran yihiin dad uu sheegay inay qayral-masuul yihiin, “Ololihii sandaqadaha idaacadda dhinaceeda laga fuliyey, sida la sheegay khamribaa lagu qabtay Waxaa ku xeeran dad qayrul-masuul ah oo aan masuuliyiin ahayn oo aan mudakir ahayn oo bahasha idaacadda qiimaheeda garanayn,”ayuu sii raaciyey hadalkiisii Wasiirku.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net