Wasiirka Warfaafinta oo Hambalyo u diray Meherka Aadan Xasan Aadan iyo Muha Daahir Faarax

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Wacyigelinta Iyo Dhaqanka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa uu Hambalyo Meher wacan u dirayaa Aadan Xasan Aadan iyo Muha Daahir Faarax Jire oo meherkoodu ka dhacay 11/02/2014 Dalka Jabuuti.

MuhaWasiirku waxa uu qoyskan cusub ugu ducaynayaa ducadii Rasuulka (SCW) ee ahayd BAARAKALAAHU LAKUMAA WA BAARAKA CALAYKUMAA WAJAMACA BAYNAKUMAA FII KHAYR) (scw)

Noqda qoyskii isku raaga ee kala hela ubad khayr qaba oo waalidkood anfaca.