Wasiirka Warfaafinta Iyo Guddoomiyaha DAWAN Oo Ka Warbixiyay Hawl-galkii Ugu Horeeyay Madbacad Cusub Oo Wargeysku Leeyahay

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa soo kormeeray hawl-galkii ugu horeeyay ee madbacad cusub oo uu leeyahay wargeyska DAWAN, taasoo la bilaabay rakibaaddeedii.

Wasiirka oo uu wehelinayay guddoomiyaha DAWAN MEDIA GROUP Maxamed Cismaan Mire (Sayid), ayaa ka warbixiyay bilawga hawsha rakibaadda madbacaddaas oo isku xidhkeedii maanta si rasmi ah uu u bilaabmay, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay bilawdo wax soo saarka dhinaca daabacaada kala duwan iyo adeegyada la xidhiidha.

HALKAN KA DHEGAYSO, Guddoomiyaha DAWAN MEDIA GROUP Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka warbixinaya heerarka madbacadda cusubi ay soo martay iyo waxyaabaha ay mustaqbalka qaban doonto:-

20150521_113046