Wasiirka Shaqada oo Hortagay Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Md.Cali Maxamuud Axmed (Cali-sandulle), ayaa maanta hor-tagey guddida ilaalinta iyo daba-galka hantida qaranka ee golaha wakiilada Somaliland,waxaana ay ku kulmeen.

 

Wasiirka ayaa abbaaro 10- kii iyo badhkii subaxnimo soo gaadhay aqalka golaha wakiilada Somaliland,waxaana ay yeesheen ugu horreeyn guddida ilaalinta daba-galka hantida qaranka ee golaha wakiilada Somaliland iyo Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali-sandulle) kulan gaar ah,kulankan ayaa saxaafaddu dabad joog ka ahayd.

 

kulankan uu maanta Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali-sandulle) uu hor-tegay guddida ilaalinta iyo daba-galka hantida qaranka ee golaha wakiilada Somaliland ayaa daba socday kooxo wasiiro ah oo u ballansanaa inay hor-tagaan guddida ilaalinta iyo daba-galka hantida qaranka ee golaha wakiilada Somaliland.

 

Markii uu u dhammaaday kulankii uu maanta Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Md.Cali Maxamuud Axmed (Cali-sandulle) uu hor-tegay guddida ilaalinta iyo daba-galka hantida qaranka ee golaha wakiilada Somaliland ayaa warfidiyeenada kula hadlay barxadda hore ee golaha wakiilada,waxaana uu ku gaabsaday inuu faah-faahin ka bixiyo kulankii uu maanta la yeeshay guddida ilaalinta iyo daba-galka hantida qaranka ee golaha wakiilada Somaliland.

 

Dhinaca kalena mas’uuliyiinta guddida ilaalinta iyo daba-galka hantida qaranka ee golaha wakiilada Somaliland ayaan iyaguna dhinacooda faah-faahin dheeraad ah ka bixin waxyaabaha ay isla soo qaadeen wasiirka iyo qoddobada ay ka wada hadleen.